Todsdobaad kaddib, waxa la sugayaa in Real Madrid ay si rasmi ah ugu dhawaaqdo heshiiska xiddiga reer France ee Kylian Mbappe oo ay soo afjarto hadal-hayntii ugu dheerayd suuqa iibka ciyaartoyda oo ay si xor ah ugala soo wareegayso PSG.
Kylian Mbappe ayaa toddobaadkii hore shaaciyey inuu soo dhamaaday waqtigiisii PSG oo uu ka tegi doono wixii ka dambeeya May 25 oo ay finalka Coupe de France la ciyaari doonaan Lyon.
Los Blancos waxa ay waqti horeba dhamaystirtay heshiiska shaqsiga ah ee weeraryahanka reer France oo ay hadda hadhsan tahay shaacinta oo kaliya, hase yeeshee waxa garab socotay hadal-hayn kale oo ahayd in Real Madrid ay sidoo kale la saxeexanayso Ethan Mbappe oo ay walaalo yihiin Kylian.
17 jirkan oo isaguna u ciyaara PSG, ayaa saxaafaddu ay weydiisay haddii uu raaci doono raadka walaalkii oo uu tegayo Real Madrid, inkasta oo aan wali rasmi ahaan loogu dhawaaqin heshiiskiisa, ayaa waxa uu wariyuhu ku yidhi: “Miyaad ku biiri doontaa Real Madrid xagaagan.”, waxaanu bixiyey jawaab kooban oo ahayd ‘Maya’.
Si kastaba ha ahaatee, Ethan ayaan la weydiinin haddii uu mustaqbalka raaci doono raadka walaalkii taas oo ay jawaabteedu macno badan samayn lahayd.
Halkan ka daawo muuqaalka
🔴🔵 “Will you join Real Madrid this summer?”.
Ethan Mbappé: “No”. ❌ pic.twitter.com/JGRx39XDb3
— Fabrizio Romano (@FabrizioRomano) May 19, 2024