Muuqaal sir ah oo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya Arsenal oo u sii tababaraneysa qaabkii ay ugu dabaaldegi laheyd hanashada Premier League haddii ay maanta ku guuleystaan.
Xilli ciyaareedka Premier League ayaa la soo gabagabeynayaa maanta oo Axad ah iyadoo ay dhici karto inuu horyaalka ku soo dhamaado si ruwaayad ah.
Manchester City ayaa qarka u saaran inay ku guuleysato horyaalkeedii afaraad oo isku xigta, iyagoo u baahan inay guul ka gaaraan West Ham oo marti ugu ah Etihad Stadium.
Barbaro ama guuldarro soo gaartay Man City iyo guul ay Arsenal ka gaarto Everton ayaa iyadana keeni karta in Gunners ay ku guuleysato horyaalkeedii ugu horeysay muddo 20 sannadood ah.
Inkastoo ay xiiso weyn abuurto in hanashada horyaalka la go’aansado maalinta ugu danbeysa, hadana waxay madax xanuun ku tahay maamulka horyaalka Premier League oo qaban qaabinaya gudoonsiinta koobka.
Tusaale ahaa madaxa guud ee Premier League Richard Masters labo garoon hal mar ma wada tagi karo, sidaasi darteed wuxuu go’aansaday inuu xaadiro garoonka Emirates ee kulanka Arsenal.
Haddii City ay guuleysato, markaas Richard Masters ma gudoonsiin doono koobka horyaalka.
Waxaa sidoo kale labo koob oo Premier League ah la kala geyn doonaa garoomada Emirates Stadium iyo Etihad Stadium.
Labada kooxood ayaa isku diyaarin weyn sameeyay lacala haddii ay guuleystaan, waxay sidoo kale tababar u sii sameeyeen gudoonsiinta koobka.
— Follow thepeaksanti (@FThepeaksa5827) May 18, 2024
Muuqaal sir ah oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya Arsenal iyo shaqaalaha Premier League oo tababar u sii sameynaya gudoonsiinta koobka horyaalka haddii ay Arsenal koobka ku guuleysato maanta.
Taageerayaasha qaar ayaa ku fekeri kara in Arsenal ay ka sii hordhaceyso guul aysan gaarin, laakiin waa wax ay caadiyan sameeyaan kooxaha horyaalka ku tartamaya maalinta ugu danbeysa xilli ciyaareedka iyadoo Man City ay sidoo kale diyaargarowgaan sameysay.