Tababare Ange Postecoglou ayaa sheegay inuusan marnaba fahmeynin sababta taageerayaasha Tottenham ay u doonayaan in kooxdooda ay guuldareysato xitaa haddii ay taasi keeneyso in Arsenal ay ku fashilanto hanashada Premier League.
Tottenham ayaa caawa martigelineysa Manchester City kulan muhiim u ah tartanka horyaalka Premier League.
Guul ama barbaro ay Tottenham ka gaarto kooxda Guardiola waxay keeneysaa in Arsenal ay boos fiican u gasho ku guuleysiga horyaalka.
Taageerayaasha Tottenham ayaa doorbidaya in kooxdooda ay ku hungowdo u soo bixitaanka Champions League bedelkii ay cadowgooda Arsenal ka caawin lahaayeen hanashada horyaalka.
Laakiin tababaraha Tottenham ayaa fariin u diray taageerayaasha isagoo yiri:
“Waan fahamsanahay xafiiltanka. Waxaan qeyb ka ahaa xafiiltanka ugu weyn kubada cagta ee Celtic iyo Rangers.
“Laakiin waligeey ma fahmi doono sababta uu qof u doonayo in kooxdiisa ay guuldareysato. Taasi ma ahan wax isboortiga ku jirta. Ma ahan wax aan jeclaan karo.”
Postecoglou ayaa aaminsan in boqolkiiba 100 taageerayaasha Spurs ay doonayaan in kooxdiisa ay ka badiso City laakiin waxa uu garwaaqsaday in taageerayaasha ay xur u yihiin dareenkooda.
Dhanka kale tababare Pep Guardiola ayaa isna sheegay in kulanka caawa uu ku xiran yahay hanashadooda horyaalkii afaraad oo isku xigta.
“Ujeedkeena waa mid sahlan sababtoo ah haddii aan guuleysan weyno, kuma guuleysaneyno Premier League” ayuu yiri Guardiola.
“Waa wax iska cad. Kaliya hal wado ayaa inoo furan oo ah inaan badino kulankaan. Waxaana u safreynaa inaan sidaas sameyno.”