Arsenal iyo Manchester United ayay ciyaartoydoodu ku sugan yihiin garoonka Old Trafford oo ay ku dheelayaan kulan aad loo sugayo oo natiijadiisu ay saamayn ku yeelan karayso horyaalka Premier League.
Mikel Arteta ayaa ku dhegay shaxdiisii uu ku ciyaaray afartii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League, iyadoo ay taam noqdeen Bukayo Saka iyo Gabriel Magalhaes oo ay kusoo bilowdeen.
Mar kale, waxa Arsenal ka maqan Jurrien Timber oo la filayey inuu qayb ka noqdo ciyaarta maanta oo weerarka dhexe uu kusoo bilowday Kai Havertz oo ay dhinacyada ka xigaan Leandro Trossard iyo Bukayo Saka.
Khadka dhexe ayaa waxa iska garab ciyaaraya Martin Odegaard, Declan Rice iyo Thomas Partey, halka difaaca dhexena ay joogaan William Saliba iyo Gabriel Magalhaes oo ay dhinacyada ka xigaan Ben White iyo Tomiyasu.
Dhinaca kale, Erik ten Hag ayaa saddex beddel ku sameeyey shaxdii sida xun ay Crystal Palace u burburisay toddobaadkii hore, waxaana uu kusoo bilaabay Sofyan Amrabat, Amad Diallo iyo Scott McTominay, iyadoo uu kaydka u diray Christian Eriksen iyo Antony halka uu dhaawac ku maqan yahay Mason Mount.
Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood
Arsenal XI:: Raya, White, Saliba, Gabriel, Tomiyasu, Partey, Odegaard, Rice, Saka, Havertz, Trossard
Kaydka: Ramsdale, Kiwior, Zinchenko, Jorginho, Smith Rowe, Vieira, Martinelli, Jesus, Nketiah
Manchester United XI: Onana, Wan-Bissaka, Casemiro, Evans, Dalot, Mainoo, Amrabat, McTominay, Diallo, Garnacho, Hojlund
Kaydka: Bayindir, Amass, Kambwala, Ogunneye, Collyer, Eriksen, Forson, Antony, Wheatley
Alla arteta yaa ka qabta kooxda Coach maha duli mxaa u diiday weereryahandii kooxda in uu 9 ka ciyaarsiiyo . Tolow harvests ma sir buu ka hayacajiib