Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa tiro ciyaartooyo ah iska diri doonta marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoydu, kuwaas oo ku bixi doona iib ama amaah, halka kuwo kalena la sheegayo in si xor ah ay kaga tegi doonaan Stamford Brige.
Chelsea ayaa bilowgii xilli-ciyaareedka, waxa ay iska dirtay 15 ciyaartoy oo ay ku jireen Mason Mount iyo Ruben Loftus-Cheek oo doortay cutubyo kale oo noloshooda ah, balse Mauricio Pochettino ayaa wali doonaya in isbeddel lagu sameeyo safkiisa oo xiddigaha aanu ku qanacsanayn laga diro.
Wariyaha ciyaaraha ee Fabrizio Romano ayaa shaaciyey afar ciyaartoy oo durba lasii ogyahay in Chelsea ay iibin doono, si ay ugu hoggaansanto sharciga dhaqaalaha ee FFP.
Fabrizio Romano oo ka hadlayey ciyaartoyda ay Blues iibinayso ayaa yidhi: “Sida marar horeba aan ku warramay, qorshuhu waa in la iibiyo Armando Broja marka uu kasoo laabto amaahda uu ugu maqan yahay Fulham, Hakim Ziyech ayaa isaguna mar horeba kulankiisii ugu dambeeyey u dheelay Chelsea.
“Waxa kale oo aan filayaa in Romelu Lukaku iyo Ian Maatsen ay ka tegi doonaan Chelsea, laakiin waa inaynu sugno waxa dhici doona.”