Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa suuga dhigaysa ugu yaraan toddoba ciyaartoy oo uu tababare Mikel Arteta ka saaray qorshihiisa, kuwaas oo saddex ka mid ah xilli horeba lasii gaadhay go’aankooda.
Arsenal ayaa doonaysa inay meesha ka saarto ciyaartoyda uu saluugsan yahay tababare Mikel Arteta, waxaana lacagaha ay ka helaan ay dib ugula noqon doonaan suuqa oo ay kusoo iibsan doonaan ciyaartooyda uu doonayo Mikel Arteta inuu ku xoojiyo safkiisa.
Gunners ayaa la sheegay inay diyaar u tahay, in ay iibiso Aaron Ramsdale, Eddie Nketiah, Emile Smith Rowe, Kieran Tierney, Nuno Tavares, Albert Sambi Lokonga iyo Reiss Nelson oo dhamaantood aanu ku qanacsanayn tababare Mikel Arteta.
Waxa sidoo kale liiskan ku jira saddexda ciyaartoy ee Cedric Soares, Mohamed Elneny iyo goolhaye Arthur Okonkwa, kuwaas oo iyagu si xor ah inay ku baxaan loo qorsheeyey maadaama qandaraasyadoodu ay dhamaad yihiin.
Ciyaartoyda ay jamaahiirta Arsenal filayeen inay sii joogi doonaan Emirates Stadium ee kasoo baxay kulliyadooda ee Eddie Nketiah, Smith Rowe iyo Nelson, ayaa waxa ku dhacday boosas la’aan waxaana uu Arteta doonayaa in lacagta ay ka helaan ay kusoo iibsadaan ciyaartooyo ka waxtar badan, gaar ahaan weeraryahan dhexe oo sannadkii u dhalin karaya 30 gool oo horyaalka ah.
Dhinaca kale, Arsenal ayaa qiimayn doonta mustaqbalka Thomas Partey oo uu hal sano qandaraaskiisa ka hadhsan yahay, waxaana ay hubin doonaan taam ahaanshihiisa maadaama ay dhaawacyo badan soo gaadhee, halka Jorginho isaga ay heshiis hal sano ah ka saxeexeen Khamiistii.