Garabka weerarka Fulham ee Willian ayaa sheegay in ay isku dayayaan inay caawiyaan kooxdiisii hore ee Arsenal marka ay maanta la ciyaaraan Manchester City oo uu iyagana ku tilmaamay ‘kooxda ugu wanaagsan adduunyada’.
Fulham ayaa garoonkeeda ku martigelin doonta Manchester City oo saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey ku guuleysatay horyaalka Premier League, isla markaana hal dhibic ka dambaysa Arsenal oo hoggaanka haysa balse ciyaartay hal kulan oo dheeraad ah marka loo eego City.
Manchester City ayaa haddii ay ka adkaato Fulham waxa ay la wareegi doontaa hoggaanka horyaalka iyadoo min laba ciyaarood u hadhsanaanayaan iyaga iyo Arsenal, balse Gunners waxa ay Axadda la dheeli doonaan Manchester United oo haddii ay kasoo guuleystaan ay mar kale dib ugu noqon doonaan figta sare.
Willian oo kusoo bilowday ciyaarta ay kooxdiisu garoonka Cottage ku martigelinayso Manchester City ayaa ku dooday in ay isku dayi doonaan inay qabtaan City si ay Arsenal u siiyaan fursad ay horyaalka ugu guuleysato.
‘Mar walba way fiican tahay in aad la dheesho kooxaha waaweyn gaar ahaan City oo aniga aragitdayda ah kooxda ugu wanaagsan adduunyada. Waxay noqon doontaa ciyaar adag, laakiin aniga farxad ayay ii tahay in aan dheelo kulamo noocan oo kale ah.” Ayuu yidhi Willian.
Waxa uu intaa ku daray: “Si aanu u garaacno, waxa aanu u baahanaynaa in aanu noqono heerkayaga ugu fiican iyo kuwa ugu saxsan garoonka dhaxdiisa. Haddii aad seexato shan ilbidhiqsi, way na dili karayaan, laakiin waxa aan filayaa in ay noqon doonto ciyaar fiican.”
Mar la weydiiyey in ay ka caawin doonaan Arsenal inay horyaalka ku guuleysato iyagoo ka qabanaya Man City, waxa uu ku jawaabay: “Haddii aan runta sheego, kama fikirayno in aanu caawino Arsenal ama koox kale, laakiin waxa aanu ka fikiraynaa nafahayaga iyo in aanu noqono kooxda ugu fiican.
“Waxa noo hadhay laba ciyaarood, waana in aanu u dagaallano dhibco, laakiin aniga shakhsiyan kama fikirayo koox kale, waxa aan ka fikirayaa naftayda.”
Mar lagu celiyey inuu caawin doono Arsenal, waxa uu ku gaabsaday in haddii ay ka adkaadaan Man City oo ay kooxdooda Fulham dhibco siiyaan, in ay sidaas ku caawiyeen Arsenal.
Hadalka ciwaan xaguu ku yiri marka.
beenbadanidaana.