Kooxda kubadda cagta Napoli ayaa burburinaysa qorshaha Paris Saint-Germain oo ka dalbatay ciyaartoy ay u doorteen inuu noqdo beddelka xiddiga reer France ee Kylian Mbappe oo xalay ku dhawaaqay inuu ka tegayo kooxdiisa oo uu muddo toddoba sannadood ah hoggaamiye u ahaa.
PSG ayaa raadianysa ciyaartoygii u beddeli lahaa Kylian Mbappe waxaana si weyn loola xidhiidhinayaa Khvicha Kvaratskhelia iyo Victor Osimhem oo labaduba u dheela Napoli.
Hore waxa ay Napoli u xaqiijisay, in weeraryahanka reer Nigeria ee Victor Osimhem uu ka tegi doono xagaagan oo ay iibin doonaan haddii ay timaaddo koox bixiso €120 milyan oo Euro oo lagu burburin karayo qandaraaskii uu saxeexay xagaagii hore, laakiin waxa ay kooxda Talyaanigu albaabka ka xidhatay damaca PSG ee ah inay la saxeexdaan Khvicha Kvaratskhelia.
Sida uu ku warramayo wariyaha ciyaraha ee Fabrizio Romano, Napoli ma doonayso inay xagaagan iibiso 23 jirka reer Georgia ee Khvicha Kvaratskhelia oo ay kula jiraan heshiis soconaya illaa sannadka 2027.
Go’aanka Napoli ayaa waxa uu dhabar jab ku noqonayaa qorshaha PSG ee xalay lasii shaaciyey ee ahaa in Khvicha Kvaratskhelia ay bartilmaameedsan doonaan oo ay ka dhigan doonaan laacibka u beddelaya Kylian Mbappe.