Goolhayaha kooxda Fulham Bernd Leno ayaa shaaca ka qaaday inuu fariimo qoraaleedyo ka helay ciyaartoyda Arsenal ka hor kulanka ay Fulham la ciyaareyso Manchester City todobaadkan.
Leno kooxdiisa hore ayaa ku tashaneysa in Fulham ay celiso Erling Haaland iyo xiddigaha kale ee City kulanka ka dhacaya garoonka Craven Cottage.
Tartanka horyaalka Premier League ayaa la filayaa inuu isbedelo todobaadkan iyadoo Arsenal ay safreyso Old Trafford si ay u wajahday Manchester United Axada.
Kooxda Mikel Arteta ayaa cadaadis dareemi doonta haddii ay City garaacdo Fulham oo ay hogaanka ku qabato labo dhibcood.
Haddii ay taasi dhacdo, wax aan aheyn guul ay ka gaaraan Man United waxay keeni doontaa in City ay u baahato kaliya hal guul ay ka hesho labada kulan ee u hareysa si ay u qaado horyaalkii afaraad oo isku xiga.
Leno ayaa shaaca ka qaaday inuu fariimo dhiirogelin ah ka helay asxaabtiisii hore ee Arsenal ka hor kulanka Sabtida, isagoo sheegay in Fulham ay sameyn doonto wax walba oo ay ku badin karto madaama ay dani ugu jirto iyaga.
“Diiradeyda waxaa leh kooxdeyda iyo qaab ciyaareedkeena. Dabcan haddii aan dhibo ka reebno City, ciyaartooy badan oo Arsenal ayaa fariimo ii soo diri doona.
“Qaar iyaga ka mid ah ayaa durba fariimo ii soo diray, waxaana ku yiri: “Waxba ha walwalina. Boqolkiiba 100 ayaan dadaali doonaa sababtoo ah waxaan dooneysaa in kulanka ugu danbeeya gurigeena ee xilli ciyaareedka aan ku soo xirno guul.”
Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Kulamada aan la ciyaarno City waa kuwa aad la isagu dhow yahay. Xitaa xilli ciyaareedkii markii ay inooga badiyeen 2-1 aad ayaan isagu dhaweyn. Waxaan rajeynayaa inaan ku adkeyn doono intii macquul ah.”