Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa la sheegay inuu si lama filaan ah ugu soo laaban doono qaaradda Yurub oo uu u dheeli doono kasoo qayb-gelaysa tartanka Champions League ee xilli-ciyaareedka dambe.
Ronaldo oo November 2022 ka tegay Manchester United oo si xor ah ugu biiray Al-Nassr oo horyaalka Sucuudiga ah ayaa waxa uu xilli-ciyaareedkiisii labaad ugu dhamaanayaa isaga oo ka ciyaaraya Boqortooyada Sucuudiga.
Ciyaartii ugu dambaysay ee Al Wehda ayuu ka dhaliyey saddexlay, waxaana tirada goolashiisa xilli-ciyaareedkan uu gaadhsiiyey 47 gool, 46 ciyarood oo uu dheelay.
39 jirkan ayaa bandhig fiican oo uu ka samaynayo garoomada xilli-ciyaareedkan, waxa la sheegay in bandhiggiisu uu soo jiitay kooxo dhawr ah oo qorshahoodu yahay inay dib ugu soo celiyaan Yurub.
Sida uu ku warramayo wariyaha ciyaaraha ee Alhazza Mutab, Ronaldo ayaa waxa doonaysa kooxda kubadda cagta Bayer Leverkusen ee ku guuleysatay horyaalka Bundesliga xilli-ciyaareedkan, taas oo uu tababare u yahay saaxiibkiisii hore ee Real Madrid ee Xabi Alonso.
Bayer Leverkusen kama aanay hadal arrintan, hase yeshee waxa uu wariye Alhazza Mutab sheegay in tababare Leverkusen uu u arko Ronaldo inuu khibrad kusoo kordhin karayo safkiisa marka ay dheelayaan kulamada Champions League ee xilli-ciyaareedka dambe.