Carlo Ancelotti ayaa sheegay in cabashada ay Bayern Munich ka qabto garsoorka uu isaguba ka qabo madaama kooxdiisa laga diiday gool intii ay ciyaarta socotay.
Real Madrid ayaa u soo baxday finalka Champions League ka dib markii ay 2-1 kaga badiyeen Bayern Munich lugtii labaad ee semi-finalka oo ka dhacday Bernabeu.
Bayern Munich ayaa mooday inay hesho goolka barbaraha waqtigii dhimashada ciyaarta laakiin calanwadaha ayaa offside dhigay iyadoo garsooraha uu seeriga yeeriyay ka hor inta aysan kubada shabaqa gelin.
Thomas Tuchel ayaa ciyaarta ka dib sheegay in calanwadaha uu ciyaartoyda Bayern Munich ka raaligeliyay qaladkii uu sameeyay.
Si kastaba, Carlo Ancelotti ayaan aaminsaneyn in kooxdiisa loo hiiliyay kulankii xalay isagoo sheegay inuu isaguba cabasho ka qabo goolkii laga diiday Nacho.
“Caawiyaha garsooraha ayaa calnka tagay, garsooraha ayaa seeriga yeeriyay, ciyaarytana waa la joojiyay. Waa laga yaabaa inaysan offisde aheyn, laakiin waxaa cad in seeriga la yeeriyay” ayuu yiri Carlo Ancelotti ciyaarta ka dib.
“Waxay ka cabanayaan goolkaas laga diiday, laakiin anagaba waxaan ka cabaneynaa goolkii laga diiday Nacho, sababtoo ah Joshua Kimmich si jiliin ah ayuu isku tuuray.”
Real Madrid ayaa haatan dooneysa inay ku guuleysato koobkeedii 15aad ee Champions League iyagoo ciyaarta finalka la ciyaaray koox kale oo Jarmal ah Borussia Dortmund kuwaasoo habeenkii Talaadada ka soo talaabsaday Paris Saint-Germain.