Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa iska xaadirisay Finalka Champions League, kaddib guul waqti dambe ay ka gaadhay Bayern Munich oo libin ay isasiisay xajisan weyday, waxaana ay Real Madrid finalka kula ballantay Borussia Dortmund.
Real Madrid ayaa laba gool la timid waqtigii dhimashada, iyadoo Bayern Munich niyadda gashatay inay guuleysanayso oo uu Thomas Tuchel saaray ciyaartoydiisii muhiimka ahayd.
Ciyaarta oo inteeda badan ay maamulaysay Real Madrid ayaa qaybta hore ay kusoo dhamaatay barbarro goolal la’aan ahaa, iyadoo dhawr fursadood oo dahabi ahaa ay Real Madrid ka lumiyeen Vinicius Junior iyo Rodrygo Goes.
Bayern Munich ayaa sidoo kale darbado muhiim ahaa uu Harry Kane u tuuray oo uu goolhaye Manuel Neuer badbaadiyey waqti ay kubaddu kusii socotay shabaqiisa.
Alphonso Davies oo beddelay Serge Gnabry ayaa Bayern Munich hoggaanka u dhiibay daqiiqaddii 68aad, kaddib markii uu dhinaca bidix kala soo galay kubbad uu goysmo kusoo khaarajiyey Antonio Rudiger, waxaana uu goolkaasi yimid markii uu daafaca reer Canada laad kale uu goolhaye Andriy Lunin dirqi kaga badbaadiyey.
Carlo Ancelotti ayaa sameeyey beddello uu ku najaxay oo uu sameeyey dhamaadka ciyaarta oo ay sagaal daqiiqadood ka hadhsanaayeen, waxaana uu keenay Joselu Mato uu noqday libaaxa la baxsaday Madrid ee usoo saaray Finalka iyo Brahim Diaz oo firfircooni badan kusoo kordhiyey khadka dhexe.
Daqiiqaddii 88aad ayaa kubbad uu Vinicius Junior ku toogtay goolka, waxa xajisan kari waayey oo ay ka baxsatay goolhaye Neuer, waxaana orod kusoo gaadhay Joselu oo ku celiyey isla markaana shabaqa u weydaariyey.
Saddex daqiiqadood kaddib oo ahayd daqiiqaddii 90+1 ayaa Real Madrid uu goolka labaad u dhaliyey Joselu oo kubbad uu ka helay Antonio Rudiger oo goolka hortiisa usoo dhigay uu ku leexiyey shabaqa.
Garsooraha dhexe ayaa diiday goolkan oo offside ku tilmaamay, laakiin VAR oo laga soo hubiyey ayaa xaqiijisay in Rudiger uu dhinaca goolka ka xigay Joselu, sidoo kalena uu Kimmich la sinnaa Rudiger markii uu kubadda ka helayay Nacho Fernandez.
Bayern Munich ayaa waqti dambe oo dhamaadka loo diyaar-garoobayo waxa ay dhalisay gool uu garsooruhu si kama’ ah siidhiga u yeedhiyey iyadoo kubadda lagu xafiiltamayo, isla markaana uu moodayey offside, waxaana muran ka dhashay uu garsooruhu ku adkaystay go’aankiisa ahaa offside maadaama uu isagu sabab u ahaa in goolhaye Lunin uu kubadda ka istaago oo uu siidhigu ka hor dhacay.
Real Madrid ayaa finalka ugu soo gudubtay 4-3 isku-darka natiijada labadii lugood, waxaana ay June 1 garoonka Wembley kula ciyaari doontaa Borussia Dortmund oo Salaasadii kasoo adkaatay PSG.