Manchester United ayaa go’aansatay in ay shaqada ka erido tababare Erik ten Hag dhamaadka xilli-ciyaareedkan, waxaana murashax weyn ah Thomas Tuchel oo ka tegaya Bayern Munich dhamaadka xilli-ciyaareedka. (Football Insider)
Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa isaguna ka mid ah macallimiinta ay danaynayso Manchester United. (Footmercato)
Xiddiga reer Portugal ee Bernardo Silva oo 29 jir ah, ayaa doonaya in mustaqbalkiisa la xalliyo ka hor inta aanay dhamaanin ciyaaraha qaramada Yurub ee Euro 2024, iyadoo laacibkan lala xidhiidhinayo Barcelona. Qandaraaskiisa Manchester City ayaa lagu burburin karayaa £50 milyan oo Gini. (90 min)
Crystal Palace waxa ay albaabada u furtay kooxaha doonaya difaaca reerEngland ee Marc Guehi oo 23 jir ah, laakiin waxa ay ku adakysanaysaa in ay sii haysanayso garabka weerarka France ee Michael Olise oo 22 jir ah iyo khadka dhexe ee England ee Eberechi Eze oo 25 jir ah. (GMS)
Arsenal, Manchester United, Barcelona iyo Borussia Dortmund ayaa ku dagaallamaya saxeexa 18 jirka reer France ee khadka dhexe uga ciyaara kooxda Rennes. (TBR Football).
West Ham waxa ay wada-hadallo la furtay Corinthians oo ay ka doonayso 19 jirka garabka weerarka uga dheela ee Wesley Gassova oo sidoo kale bartilmaameed u ah Liverpool. (Standard)
Chelsea waxa ay raadinaysaa cid ka iibsata weeraryahanka reer Albania ee Armando Broja oo amaah ugaga maqan Fulham. (Fabrizio Romano)
Blues ayaa sidoo kael wada-hadallo kula jirta 17 jirka garabka weerarka uga ciyaara Palmeiras ee Esteva Willian oo lagu naanayso ‘Messinho’. (Athletic)
Macaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta ayaa la xidhiidhay Getafe oo weydiiyey xaaladda Mason Greenwood oo ah 22 jir ay Getafe amaah kaga soo qaadatay Manchester United xagaagii. (Mundo Deportivo)
Newcastle iyo Inter Milan ayaa mid walba ay doonaysaa inay la saxeexato difaaca Barcelona iyo xulka qaranka France ee Jules Kounde oo ay da’diisu tahay 25 jir, kaas oo sidoo kale ay xiisaynayaan kooxaha Chelsea, Manchester United iyo PSG. (Mundo Deportivo)