Kooxda kubadda cagta Manchester United waxa ay go’aansatay in ay shaqada ka erido tababare Erik ten Hag kaddib guul-darradii Crystal Palace ee Isniintii, waxaanay calaamadsadeen toban tababare oo ay kala dooran doonaan oo uu midkood hoggaamin doono xilli-ciyaareedka dambe.
Jose Mourinho ayaa safka hore kaga jira tababareyaashan sida uu qoray wargeyska Manchester Evening News, waxaana uu macallinka reer Portugal ogolaanayaa in uu mar kale kusoo laabto Old Trafford oo uu rumaysan yahay in sannadkii 2018 laga eryay isaga oo dariiq fiican ku hagaya.
61 jirkan oo shaqo la’aan ahaa tan iyo bishii January oo laga eryay Roma oo uu laba sannadood iyo badh laylinayey, waxa ay saaxiibbo dhow yihiin Sir Jim Ratcliffe oo ah maamulaha Manchester United ee waqtigan, sidoo kalena 25% iska leh mulkiyadda naadiga oo uu sannadkii hore kala wareegay qoyska reer Glazer.
Waxa kale oo Manchester United ay indhaha ku haysaa Thomas Tuchel oo ay tababaraha Bayern Munich ay shaqada ka caydhinayso ee waqtiga hore loosii sheegay inuu tegi doono dhamaadka xilli-ciyaareedka, isla markaana eedayn badan ay maamulka naadigu u mariyeen saxaafadda.
Robert De Zerbi oo Brighton ah, Ange Postecoglou oo layliya Tottenham oo iyaduna daalaa-dhacaysa iyo tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa iyaguna ku jira liiska tababareyaasha ay Manchester United kala xulanayso.
Zinedine Zidane oo shaqo la’aan ahaa tan iyo markii uu ka tegay Real Madrid sannadkii 2021, tababaraha xulka qaranka Germany ee Julian Nagelsmann iyo Graham Potter oo aan wax shaqo ah qabannin tan iyo markii ay eriday Chelsea ayaa iyaguna murrashaxiin firfircoon ah.
Tababaraha sida weyn loola xidhiidhinayo West Ham ee Julen Lopetegui oo la filayo inuu beddelo David Moyes iyo Ruben Amorim oo ah macallinka kooxda Sporting Lisbon ayaa iyaguna ku jira liiskan.