Xiddiga reer France ee laga mamnuucay ciayaraha ee Paul Pogba ayaa helay shaqo lama filaan ah kaddib markii uu ku guul-darraystay rafcaannadii uu ka qaatay xukun lagu riday oo ahaa in muddo afar sanadood ah uu mamnuuc ka yahay ciyaaraha kubadda cagta.
Khadkan dhexe ee Faransiiska iyo Juventus ayaa xukunka lagu riday markii lagu helay inuu isticmaalay daawooyin mamnuuc ah oo kordhiya awoodda jidhka, waxaana laga joojiyey markiisii koowaad ciyaar ay Juventus la dheelaysay Udinese bishii August.
Laacibkan oo wali sugayo rafcaan kale oo uu qaatay ayaa waxa isaga oo bannaanka jooga uu helay shaqo lama filaan ah oo u furaysa bog cusub oo nololeed, waxaana loogu yeedhay inuu jilaa ka noqdo filim Faransiis ah.
31 jirkan ayaa sida uu wargeyska ESPN ku warramay waxa toddobaadkii hore uu magaalada Paris ku metelay qayb ka mid ah filim lagu magacaabo ‘4 Zeros’, waxaana uu filimkan oo soo bixi doona sannadka dambe uu xidhiidh la leeyahay filim la odhan jiray ‘3 Zeros’ oo sannadkii 2002 soo baxay.
Wargeyska Le Parisien ayaa ku warramay in doorka uu Paul Pogba ku leeyahay filimkan ay tahay inuu yahay tababare carruur yaryar oo kubbad ciyaaraysa, kaas oo ay ku jiraan waanooyin iyo tilmaamo uu siinayo jiilasha da’yarta kubadda cagta, isla markaana xirfado dabiici ah uu kusoo bandhigay.
Si kastaba ha ahaatee, haddii uu Paul Pogba ku guul-darraysto rafcaanka cusub ee uu ka qaatay ganaaxa afarta sannadood ah ee lagu riday, waxa uu garoomada ka maqnaan doonaa illaa sannadka 2027.