Khabiirka Sky Sports Jamie Carragher ayaa ku tilmaamay wax laga xishoodo go’aankii uu qaatay tababare Erik ten Hag markii uu daafac dhexe ku soo bilaabay Casemiro.
Xiddiga khadka dhexe ee reer Brazil ayaa lagu soo bilaabay daafaca Man United isagoo sameeyay qaladaad horseeday inay shabaqa soo taabato Palace.
Carragher ayaa sheegay in qaladkii ugu weynaa ee uu sameeyay Ten Hag inay aheyd inuu boos qaldan ka ciyaarsiiyo Casemiro islamarkaana ay ay qaladba aheyd in Casemiro lagu soo bilaabo ciyaarta.
Carragher ayaa yiri: “Dhageyso, waxaa laga ciyaarsiiyay boos aan booskiisa aheyn caawa, laakiin wixii uu sameeyay wax xiriir ah lama lahan inuu ka ciyaarayo boos aan booskiisa aheyn.
“Waa burburiye khadka dhexe oo kubad difaacasho laga rabo mar walba. Waa ceeb weyn wuxuu sameeyay. Waxay u baahnaayeen inay garoonka ka soo saaraan xilli hore.
“Daacadii ma jirto wax ka xun in Casemiro uu ka sii ciyaaro booska daafaca dhexe.”
Sababta uu Ten Hag uga ciyaarsiiyay Casemiro booska daafaca dhexe ayaa aheyd in daafacyadiisa ay wada dhaawacnaayeen.
Harry Maguire, Lisandro Martinez, Raphael Varane, Victor Lindelof, Luke Shaw, Willy Kambwala iyo Tyrell Malacia ayaa dhamaantood garoomada ka maqan.