Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa kusoo laabatay tubta guusha ee ay ka luntay labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee ay khasaaraha iyo barbarraha urursanayeen, waxaanay 4-2 ku garaaceen Tottenham oo marti ugu ahayd garoonka Anfield, taas oo ay kasoo afjarantay rajadoodii ahayd inay kasoo qayb-galaan tartanka Champions League xilli-ciyaareedkii hore.
Afar gool oo ay qaybsadeen Mohamed Salah, Cody Gakpo, Harvey Elliott iyo Andy Robertson ayaa Liverpool siiyey fursad ay kaga soo noqoto niyad-jabkii haystay usbuucyadii ugu dambeeyey.
Tottenham ayaa qaybta hore is-dhiibtay oo ogolaatay in afar gool oo daran-doorri ah oo albadii qaybood loogu qaybiyey lagu hoggaamiyo oo ay ciyaartu noqoto 4-0, laakiin waqti dambe ayay dib ka dagaallameen oo ay laba gool u kala dhaliyeen Richarlison iyo Heung-min Son.
Mohamed Salah ayaa hoggaanka u dhiibay Liverpool daqiiqaddii 16aad, markaas oo uu madax ku qabtay kubbad uu ka helay Cody Gakpo oo kusoo bilowday weerarka dhexe, iyadoo kaydka loo diray Darwin Nunez oo ay ku adkaatay gool-dhalintu.
Daqiiqaddii ugu dambaysay qaybta hore ayay Liverpool sii deeraysatay hoggaanka oo gool labaad uu u dhaliyey Andy Robertson oo goolka ku celiyey kubbad uu marka hore u dhiibay Mohamed Salah oo uu goolhaye Vicario badbaadiyey, waxaana lagu kala nastay 2-0 ay hoggaanka haysay Liverpool.
Markii lagu soo noqday ciyaarta ayay Tottenham cadaadis badan soo saartay Liverpool oo ay marka horena kaga badnayd kubbad-haynta iyo baasaska, balse ay Reds ku xoogganayd fursad abuurka iyo ka faa’iidaynta jaanisyadii ay heleen.
Kubbad u muuqanaysay qalad oo ay Mohamed Salah iyo Harvey Elliott ka boobeen difaaca Tottenham, ayaa waxa dhinaca midig ee weerarka la tegay Elliott oo madax usoo saaray Cody Gakpo oo isaguna ciyaarta kaga dhigay 3-0, iyadoo shan daqiiqadood oo kaliya socotay qaybta labaad.
Sagaal daqiiqadood kaddib ayuu xiddiga reer England ee Harvey Elliot kubbad kala soo galay garabka midig, waxaana uu darbad xooggan oo uu soo-xeegeeyey shabaqa ka sudhay halka ay birtu ka laaban tahay ee dhinaca midig ee goolhaye Vicario, waxaanay ciyaartu noqotay 4-0.
Jurgen Klopp ayaa intaas kaddib sameeyey qaladaad halis geliyey guusha gacantiisa soo gashay, waxaana uu saaray afar ciyaartoy oo sabab u noqday in Chelsea ay laba gool dhaliso, fursado badan oo kalena helaan.
Richarlison oo beddel kusoo galay ayaa goolka hore u dhaliyey Tottenham daqiiqaddii 72aad, shan daqiiqadood kaddibna waxa gool labaad u saxeexay Son oo lumiyey dhawr kubbadood oo goolal loo qaatay.
Natiijadan ayaa ka dhigan in Liverpool ay haysato 78 dhibcood oo ay afar dhibcood ka dambayso Manchester City, halka Arsenal ay u jiraan shan dhibcood.
Tottenham ayaa iyaduna illoobaysa kaalinta afraad ee ay ku tartamayeen, waxaanay haystaan 60 dhibcood, halka Aston Villa oo afraad fadhidaana ay haysato 67 dhibcood, waxaana labadoodaba u hadhsan min laba ciyaarood taas oo ka dhigan in Spurs ay si rasmi ah uga maqnaan doonto tartanka Champions League.