Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa loo sheegay in ay garamada kooxdooda kusii qortaan magaca xiddiga reer France ee Kylian Mbappe oo uu qandaraaskiisu dhamaad yahay, isla markaana lagu dhawaaqi doono usbuuca dambe haddii ay Borussia Dortmund salaasada garaacdo amaba barbarro ku qabato PSG oo ay tartanka Champions League ee maraya semi-finalka.
Wariyaha caanka ah ee sida aadka ah loo ixtiraamo ee Abdellah Boulma ayaa macluumaad cusub kasoo gudbiyey halka uu marayo heshiiska Real Madrid iyo Kylian Mbappe, waxaana uu yidhi: “Hadda garamadiina waad kusii daabacan kartaan magaca Kylian Mbappe.”
Hadalkan ayaa waxa uu imanayaa iyadoo toddobaadkii hore la sheegay in Kylian Mbappe uu iibsaday guriga Sergio Ramos ee qasriga ah ee ku yaalla magaalada Madrid, halkaas oo ay jaar ku noqon doonaan inta badan ciyaartoyda kooxdaas.
Gurigan oo ku yaalla xaafadda La Moraleja ee magaalada Madrid ayaa qiimihiisa lagu sheegay €18 milyan oo Euro, waana midka ugu qaalisan ee halkaas ku yaalla.
Sergio Ramos ayaa doonayey inuu iibiyo gurigan illaa waqti hore maadaama uu hadda hawlgab isku diyaarinayo oo aanu doonayn in uu dego guri dhaxdhaxaad ah.