Xiddiga Manchester City Phil Foden ayaa ku guuleystay abaalmarinta Xiddiga Sannadka ee Qorayaasha Kubada Cagta Ingariiska FWA.
Xiddiga Ingariiska ayaa qaab ciyaareed cajiib ah u bandhigayay kooxda Pep Guardiola xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay 16 gool islamarkaana caawiye ka noqday todoba kale 31 kulan uu saftay horyaalka.
Waxa uu sidoo kale shan gool ka dhaliyay Champions League isagoo seddex caawin ah sameeyay, wuxuu sidoo kale labo gool ka dhaliyay FA Cup.
Phil Foden waxa uu helay boqolkiiba 42 codadka qorayaasha kubada cagta Ingariiska oo abaalmarintaan bixiya sannad walba.
Wuxuu abaalmarinta ka qaaday xiddiga khadka dhexe ee Arsenal Declan Rice oo labaad soo galay halka saaxiibkiisa Manchester City Rodri uu kaalinta seddexaad soo galay.
Afaraad waxaa galay kabtanka Arsenal Martin Odegaard, halka xiddiga Aston Villa Ollie Wakins uu 5aad soo galay iyadoo xiddiga Chelsea Cole Palmer uu kaalinta lixaad soo ciriirsaday.
Phil Foden waa ciyaaryahankii seddexaad ee Manchester City oo ku guuleystay abaalmarintaan afar sannadood gudaheed iyadoo Ruben Dias uu qaatay sannadii 2021kii halka Erling Haaland uu ku guuleystay sannadkii hore ee 2023.
Manchester City ayaa ceyrsaneysa inay ku guuleysato horyaalkeedii shanaad oo isku xigta, waxay haatan dhibic ka danbeeyaan Arsenal iyadoo kulan uu u harsan yahay.
Waxay sidoo kale finalka koobka FA Cup la ciyaari doonaan kooxda Manchester United 25ka bisha May.