Xiddiga amaahda ku jooga Borussia Dortmund Jadon Sancho ayaa lagu waramayaa inuu go’aan kama danbeys ah ka gaaray mustaqbalkiisa Manchester United.
Bishii September, mustaqbalka Sancho ee Man United ayaa mugdi galay ka dib markii ay isku dhaceen tababare Erik ten Hag taasoo keentay in kooxda laga saaro islamarkaana bishii Janaayo amaah loogu celiyo Dortmund.
Tan iyo markii ku laabtay kooxdiisa hore, Sancho ayaa soo bandhigaya qaab ciyaareed aad u fiican. 24 jirkaan ayaa door weyn ka ciyaaray kulankii ay Dortmund 1-0 uga badisay PSG lugta hor ee semi-finalka Champions League.
Waxaa haatan la sheegayaa in Sancho inuu go’aan kama danbeys ah ka gaaray mustaqbalkiisa.
Sida uu sheegay wariyaha Sky Sports Germany, Patrick Berger: “Sancho ma doonayo inuu ku laabto Manchester United xitaa haddii Erik ten Hag uu kooxda ka tago sida ay ii sheegeen ilo ku dhow ciyaaryahanka.
“Man United waxay isku diyaarineysaa bixitaanka Sancho. Laakiin weli wax qiimo ah ma aysan duldhigin ciyaaryahanka.
“Jadon wuxuu ku faraxsan yahay Borussia Dortmund, wuxuuna doonayaa inuu sii joogo. BVB waxay ka shaqeyneysaa suurtogalnimada inay xilli ciyaareed labaad amaah ku qaadato, madaama aysan awoodin inay si joogta ah u iibsadaan. Wadahadalada labada kooxood ayaa dhawaan bilaaban doona.”