Kaddib sannado badan oo hadal-hayn ah, xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa ugu dambayntii ka degaya magaalada Madrid oo uu kaga biirayo kooxda Real Madrid oo ugu dambayntii heli doonta xiddigii ay ugu raadinta badnayd.
Real Madrid ayaa si bilaash ah ku heli doonta Kylian Mbappe oo waqti horeba ku wargeliyey maamulka kooxdiisa in uu tegayo Real Madrid xagaaga soo socda, isla markaana uu si xor ah kusoo afjarayo waqtigiisii PSG oo sannadkii 2017 lacag dhan 180 milyan oo Euro kaga soo iibsatay AS Monaco.
Mbappe ayaa hore u sheegay in uu shaacinta mustaqbalkiisa dib ugu dhigay tartanka Champions League ee ay kooxdiisu ku jirto, maadaama ay suurtogal tahay in kooxda uu heshiiska la gaadhay iyo naadigiisu ay iskugu yimaaddaan finalka.
Warbaahinta Faransiiska ayaa bishii hore sheegtay, in marka ay Real Madrid ama PSG ka hadho tartanka Champions League uu Kylian Mbappe shaacinayo inuu si xor ah ugu wareegayo Los Blancos, balse haddii ay labaduba usoo baxaan finalka la sugi doono illaa dhamaadka bishan May.
Iyadoo ay arrintu halkaa marayso ayaa waxa uu Kylian Mbappe iibsaday guriga halyeyga Real Madrid ee Sergio Ramos oo ah qasri ku yaalla halka ay inta badan deggen yihiin ciyaartoyda kooxdaas.
Ramos ayaa ogolaaday in uu Mbappe ka iibiyo gurigiisa qasriga ah ee uu dhawrkii sannadood ee ugu dambeeyey ka maqnaa, kaas oo aanu deggenayn labadii sannadood ee uu u ciyaarayey PSG iyo hadda oo uu sannadkiisii koowaad ugu sii dhamaanayo Sevilla oo uu xagaagii usoo wareegay.
Laba toddobaad kaddib ayuu Kylian Mbappe shubi doonaa lacagta uu ku iibsaday guriga qasriga ah ee Sergio Ramos, waana waqti la filayo inuu taageereyaasha la wadaagi doono go’aankiisa.
PSG ayaa lugtii hore ee semi-finalka Champions League waxa ay guul-darro 1-0 ah kala soo kulantay Borussia Dortmund, waxayse lugta labaad garoonkooda Parc des Princes ku martigelin doonaan kooxda reer Germany fiidnimada Salaasada toddobaadkan.