Dheemanka Real Madrid ee Arda Guler ayaa waraysi uu bixiyey waxa uu ku sharraxay sababtii uu u diiday dalab uu ka helay Barcelona, ka hor intii aanu u wareegin Real Madrid xagaagii, taas oo sidoo kalena uu xusay in uu ka caawiyey in ay ku guuleystaan saxeexiisa.
Arda Guler oo lagu tilmaamo mid ka mid ah ciyaartoyda ugu hibada badan kubadda cagta ee da’yarta ah, ayaa waxa xilli-ciyaareedkiisii koowaad ee Santiago Bernabeu wiiqay dhaawacyo kusoo noqnoqday, balse hadda ayuu taam ka noqday oo kooxdiisuna ay fursado siinta u bilowday.
Laacibkan reer Turkey ayaa bandhig heersare ah ka sameeyey ciyaartii Real Sociedad ee Jimcihii isaga oo dhaliyey goolkii guusha siiyey kooxdiisa, waxaana uu qayb ka noqday safarka ay Real Madrid ku tagtay waddanka Germany oo ay caawa lugta hore ee semi-finalka Champions League kula soo ciyaarayso Bayern Munich.
Waraysi uu siiyey warbaahinta KAFA Sports, ayaa laacibkan hore ee kooxda Fenerbahce uu ku sharraxay sababtii uu Real Madrid ku doortay iyadoo uu dalab ka haysto Barcelona, waxaanu yidhi: “Waxa aan ku riyoon jiray Real Madrid tan iyo carruurnimadaydii. Ania oo fasax ku jira ayuu isoo wacay aabbahay, waxaanu igu yidhi: “Real Madrid ayaa ku doonaysa’. Aad ayaan u farxay.
“Waan sii joogi karayay sannad kale Fenerbahce, laakiin aniga ayaa doonayey in aan tuso adduunyada waxa uu wiilyar oo Turkish ah oo ka yimid Fenerbahce uu ka samayn karayo Yurub. Waxa aan rajaynayaa in aan sii wadi doono in aan muujiyo taas.
“Real Madrid ma ogolaadaan taageereyaasheedu inay guul-darraystaan ciyaarna, sababtaas ayaad u dareemaysaa cadaadis. Real Madrid waa koox u samaysan guul.”
Waxa kale oo uu Arda Guler sheegay in uu Real Madrid ka dalbaday inaykordhiyaan lacagta lagu burburin karayo qandaraaskii uu kula jiray Fenerbahce oo ahaa €17.5 milyan oo Gini, si hawsha saxeexiisa hore loogu dhameeyo, waxaanu yidhi: “Waxa aanu ka codsanay Real Madrid inay bixiyaan lacag woxoogaa ka badan €17.5 milyan ee ku xidhnaa qandaraaska Fenerbahce. Si naxariis leh ayay u ogolaadeen.”