Khabiir dibnaha akhriyaha ayaa sheegay hadaladii uu Mohamed Salah ku yiri tababare Jurgen Klopp dagaalkoodii kulankii West Ham ee Sabtidii.
Liverpool ayaa barbaro 2-2 ah kala kulantay West Ham taasoo dishay riyadoodii horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan.
Laakiin hadal heynta ciyaartaas waxay aheyd dagaalkii kursiga keydka ku dhexmaray tababare Jurgen Klopp iyo Mohamed Salah oo bedel ku soo galayay ciyaarta, iyadoo Darwin Nunez uu Salah qabtay xilli uu xiddiga reer Masar aad u xanaaqay.
Muuqaal laga soo duubay taribuunka ayaa cadeeyay in dagaalkooda uu ka bilowday sida uu Salah uga gaabiyay inuu salaamo tababre Jurgen Klopp oo gacanta u soo taagay markii uu sugayay inuu bedel ku galo ciyaarta.
Sida ay sheegtay Sportbible, khabiirka dibnaha akhriyaha John Cassidy ayaa sheegay in Salah uu yiri: “Ma jirto wax aan ka sameyn karo taas, waxba kama qaban karo.”
Cassidy ayaa sheegay in inkastoo uusan si cad u akhrin karin jawaabtii Klopp uu bixiyay hadana waxa uu xusay in tababare Klopp uu u sheegay Salah inuusan si degdeg ah isku diyaarinin si uu ciyaarta u galo.
Tababare Reds ayaana u dhawaaday xiddigaha reer Masar isagoo hadalo kale ku tuurtuuray taasoo ka sii cadeysiisay Salah oo jawaabtii uu bixiyay iyadana la akhrin waayay.
Waa wakhtigaan markii uu furka tuurtay laacibka Liverpool Salah, wuxuuna khabiirka dibnaha akhiriya sheegay in Salah uu yiri: “Waan sameyn doonaa, waxaan qaadan doonaa casaan, ka dib todoba sannadood, ka dib todoba sannadood, ka dib todoba sannadood!”
Darwin Nunez ayaa markaas soo dhex galay isagoo dhinac u dhaqaajiyay Salah si aysan xaalada faraha uga bixin.
Dhacdada ka dib Salah ayaa iska indhotiray tababarihiisa markii ay ciyaarta soo dhamaatay, isagoo 31 jirkaan u sheegay tababarayaasha: “Haddii aan hadlo dab ayaa kacaya”.