Muuqaal uu taageere duubay ayaa muujinaya sababtii uu Bukayo Saka ugu hor dabaaldegay taageerayaasha Tottenham ka dib goolkii koowaad ee Arsenal.
Arsenal ayaa weli hal dhibic ku heysa hogaanka Premier League ka dib seddex gool ay qeybtii hore ka dhaliyeen kooxda Tottenham.
Tottenham ayaa labo gool soo celisay balse waa ay awoodi waayeen inay guusha ka hor istaagaan kooxda ay xafiiltamaan ee Arsenal kuwaasoo cadaadis ku haya Man City oo kulan uu u harsan yahay.
Kooxda Mikel Arteta ayaa si cajiib ah ku bilaabatay ciyaarta daqiiqadii 15aad markii Hojbjerg uu shabaqa iska taabtay.
Wax yar ka dib goolka, waxaa la arkayay Saka oo dhegta gacanta saaraya kuna hor dabaaldegaya taageerayaasha Tottenham.
😂 Saka cupping his ear to the Spurs fans after assisting the goal from his corner kick 👂 pic.twitter.com/qEilhkGej6
— DailyAFC (@DailyAFC) April 28, 2024
Sida aad muuqaalka ka arki karto, Saka ayaa aflagaado kala kulmayay taageerayaasha Tottenham kuwaasoo ku heesayay rigooradii uu qasaariyay finalkii Euro 2020 ka hor inta uusan soo tuurin koornadii goolka sababtay.
Xiddiga Ingariiska ayaana aamusiyay taageerayaasha isagoo ku hor dabaaldegay markii ay Arsenal hogaanka u qabatay ciyaarta.
Isagoo hadlayay ka dib kulankii shalay, Saka ayaa ka hadlay tartanka horyaalka Premier League ee iyaga iyo Manchester City.
“City waa koox cajiib ah, laakiin ma ahan kuwa mar walba fiican.” ayuu Saka u sheegay Sky Sports. “Cidna ma noqon karto kuwa aad u wanaagsan. Dhibco way dhumin karaan. Waxaan u baahanahay kaliya inaan shaqadeena qabsano oo aan aragno halka aan gaari karno.
“Inaan qaladaad sameyno boos uma banaana, sida ay ina tuseen sannadkii hore iyo sannadihii ka horeeyay. Haatan khibrad ayaan yeelanay. Wax ayaan ka baranay casharadii sannadkii hore. Diyaar ayaan u nahay seddexda kulan ee ugu danbeysa.”