Muuqaal cusub oo laga soo duubay taribuunka garoonka London Stadium ayaa sawir cad ka bixinaya isku dhacii Mohamed Salah iyo tababare Jurgen Klopp ee kulankii shalay oo Sabti aheyd.
Tababaraha Liverpool iyo xiddigiisa reer Masar ayaa diiday inay faahfaahiyaan sababtii ka danbeysay isku dhacooda ka dib kulankii ay barbaraha la galeen West Ham ee soo gabagabeeyay hamigooda horyaalka Premier League.
Salah oo keyd la geliyay ciyaartii shalay ayaa sida muuqaalka cusub laga arkayo bilaabay dagaalka madaama uu u muuqday mid ka careysan in keyd lagu hayay muddo 80 daqiiqo ah.
Markii Klopp uu u soo yeeray Salah inuu bedelay ciyaarta ku soo galo, xiddiga reer Masar ayaan si fiican u salaamin tababarihiisa oo gacanta u soo taagay.
Salah ayaa si carro leh garbaha u nuuxiyay markii uu Klopp weydiiyay sababta uusan salaanta uga qaadin, madaama ay tahay caado ka dhaxeysa tababaraha iyo ciyaartoydiisa.
Another angle pic.twitter.com/EE6IvxFOIU
— عارف عبدالعزيز (@Arif_AT8) April 27, 2024
Waqtigaan labada nin ayaa hadalo carro leh isweydaarsaday markii ugu horeysay ka hor inta uusan Klopp u jeesanin Darwin Nunez iyo Joe Gomez uu laabtay geliyay islamarkaana salaamay, wuxuuna sii watay inuu ciyaarta daawado.
Ka dib Klopp ayaa dib ugu soo laabtay ciyaartoyda bedelka isagoo hadal ku yiri Salah taasoo keentay in xiddiga reer Masar uu si carro leh uga jawaab celiyo, waxaana qabtay Nunez, waxayna tani dhacdo 40 ilbiriqsi ka dib markii uu Salah si quman salaanta uga qaadi waayay tababarihiisa.
Salah ayaa ka dib dhowr mitir ka dhaqaaqay kursiga keydka isagoo ka fogaaday Klopp halka Gomez iyo Nunez ay u dhaxeeyeen labada nin.
Inkastoo uu bedel ku soo galay ciyaarta hadana Salah wuu ka badbaadin waayay Liverpool inay dhibco ku dhumiso London Stadium, wuxuuna toos u aaday qolka labiska markii ay ciyaarta dhamaatay.
Ka dib bil adag oo kooxda soo martay, Liverpool ayaa heysata isbuuc ay isku dejiso islamarkaana ku soo kabsato ka hor inta aysan martigelinin Tottenham Axada soo socota.