Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa laga dalbaday in uu ku daydo horyaalka Sweden oo uu joojiyo isticmaalka aaladda caawisa garsoorka ee VAR oo ay kooxo badan ka tirsanayaan eex iyo go’aamo ka xagliyey, inkasta oo go’aamo kale oo ay garsooreyaashu kaga soo horjeedsadeenna ay ku caawiyeen.
Waddanka Sweden ayaa qaatay go’aan adag oo ah inuu joojiyo isticmaalka aaladda VAR, waxaana go’aankan wada-jir ku qaatay kooxaha horyaalka heerka koowaad oo u ololaynayey in meesha laga saaro.
Horyaalka Sweden oo sida waddanka Germany oo kale ay 51% taageereyaashu leeyihiin kooxaha, ayaa waxa ay si weyn uga soo horjeedsadeen VAR oo ay kooxaha qaarkood cabashooyin badan ka keeneen, waxaana uu noqday horyaalkii koowaad ee go’aankan qaata.
32ka kooxood ee ka dhisan waddanka Sweden ayay 18 ka mid ah kasoo horjeedsadeen in dalkaas laga isticmaalo VAR, waxaana arrintan u hoggaansamay xidhiidhka kubadda cagta dalkaas oo ku qasbanaaday inuu raaco waxa ay go’aamiyeen kooxuhu.
Horyaallo waaweyn oo reer Yurub ah ayaa la sheegay inay ka fiirsanayaan inay tallaabadan oo kale qaadaan oo ay dib ugu noqdaan cahdigii ay garsooreyaasha dhexe go’aanka ciyaarta iska lahaayeen, taas oo ay dad badan rumaysan yihiin inay xallad u yeelaysay kubadda cagta.
Horyaallada ayaa waxa ay hore uga baqayeen in UEFA ay qasab ka dhigto isticmaalka VAR, laakiin xidhiidhka kubadda cagta Yurub ayaa sheegay in horyaallada iyo xidhiidhada dalalku ay xaq u leeyihiin in ay adeegsadaan VAR iyo inay iska daayaan.
Arrintan ayaa waxa ay keentay in taageereyaasha horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ay dalbadaan in la joojiyo isticmaalka VAR oo dib loogu noqdo halkii laga yimid ee ahaa in garsooreyaasha dhexe ay go’aamadoodu shaqeeyaan isla markaana wixii ay iyagu go’aamiyaan aragtida koowaad ay ahaadaan waxa waxa kaliya ee lagu soconayo.