Xiddig ka tirsan kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ka cadhooday in Xavi Hernandez uu ka laabtay go’aankiisii ahaa inuu ka tegayo kooxda dhamaadka xilli-ciyaareedkan, iyadoo Khamiistii uu si rasmi ah u sheegay in uu sii joogayo xilli-ciyaareedka dambe.
Barcelona oo xilli-ciyaareedkan aan wax koob ah ku guuleysanayn oo dhamaan waqti hore macasalaamaysay tartamada, ayaa waxa bishii January uu Xavi Hernandez sheegay inuu ka tegayo kooxda marka uu xilli-ciyaareedku dhamaado.
Joan Laporta iyo Deco ayaa ku qanciyey Xavi Hernandez in uu sii joogo naadiga oo qaybtii dambe ee xilli-ciyaareedka horumar badan sameeyey isla markaana yimid kaalinta labaad ee miiska kala-sarraynta horyaalka LaLiga iyo wareegga siddeedda Champions League oo ay PSG ku reebtay.
Warka ah in Xavi Hernandez uu ka noqday go’aankiisii bixitaanku, waxa uu ka cadhaysiiyey qaar ka mid ah ciyaartoyda kooxdaas oo aan doonayn inuu sii joogo sababtoo ah waxa ay saluugsan yihiin go’aamadiisa iyo heerka khibraddiisa raad-baradka ah.