Xilli-ciyaareedakn, waxa Carlo Ancelotti uu jabinayaa rikoodhkii guulaha dhinaca koobabka ee Zinedine Zidane oo uu hore ula barbarreeyey bishii January markii ay ku guuleysteen tartanka Spanish Super Cup, waxaana hadda uu isku diyaarinayaa horyaalka oo marka ay qaadaan uu Ancelotti hal koob dhaafi doono Zidane.
Waqtigan, Carlo Ancelotti iyo Zinedine Zidane ayaa ku wada jira kaalinta labaad ee tababareyaasha ugu guulaha badan taariikhda Real Madrid, waxaana u qaadeen min 11 koob, waxaana kaliya ka horreeya Miguel Munoz oo 14 koob u qaaday.
Tababaraha Talyaaniga ee Carlo Ancelotti oo ay kooxdiisu 11 dhibcood ku hayso hoggaanka horyaalka LaLiga ee ay lixda ciyaarood ka hadhsan yihiin, waxa uu tegi doonaa 12 koob marka kooxdiisa loo caleemo-saaro horyaalka oo ay u baahan yihiin saddex ciyaarood inay guuleystaan.
Waxa uu sidaas ku dhaafi doonaa Zinedine Zidane isaga oo noqon doona tababaraha labaad ee ugu guulaha badan, waxaanu saddexaad u diri doonaa Zidane.
Real Madrid oo sidoo kale usoo gudubtay semi-finalka Champions League oo ay la ciyaari doonaan Bayern Munich, waxa haddii ay awoodaan inay ku guuleystaan tartankanna uu Carlo Ancelotti tegi doonaa 13 koob, isaga oo kaliya hal koob u jirsan doona Miguel Munoz.
Ancelotti ayaa waxa uu sidoo kale barbarrayn doonaa Zidane oo laba horyaal u qaaday Real Madrid, halka haddii uu ku guuleysto Champions League ay noqon doonto markii saddexaad ee uu koobka Champions League u qaado Real Madrid, halkaasna waxa uu ku barbarrayn doonaa Zidane oo isaga ay koobabkiisu xidhiidh ahaayeen.
Ruug-caddaagan Talyaaniga ayaa horeba u ahaa tababaraha ugu guulaha badan Champions League oo uu afar jeer ku guuleystay, waxaanay ahaayeen sannadihii 2002 iyo 2007 oo uu AC Milan u qaaday iyo 2014 iyo 2022 oo uu Real Madrid u qaaday.