Arne Slot ayaa shaaciyey in uu ogolaaday in uu noqdo tababaraha cusub ee Liverpool oo uu kaliya sugo inta ay labada kooxood ee Feyenoord iyo Liverpool ka heshiinayaan lacagta ay ku kala iibsanayaan maadaama uu qandaraas kula jiray kooxda reer Netherlands.
Tababarahan reer Netherlands ayaa saacadaha soo socda la filayaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo in uu yahay tababaraha cusub ee Liverpool ee beddelaya Jurgen Klopp oo dhamaadka xilli-ciyaareedkan ka tegaya Reds oo uu muddo sagaal sannadood ah laylinayey.
Liverpool ayaa wada-xaajood la furtay Slot maalintii Arbacadii, waxaana markiiba ay Reds ku guuleysatay inay heshiiska shaqsiga la meel-dhigto Slot oo ay ka hor qaadday Bayern Munich oo raadinaysay, halka hadda uu kaliya hadhsan yahay in labada kooxood ka heshiiyaan lacagta ay kula kala wareegayaan tababarahan.
Waraysi uu tababare Slot siiyey warbaahinta Maraykanka ah ee ESPN ayaa waxa lagu weydiiyey heshiiska Liverpool, waxaanu yidhi: “Waan jecelahay in aan noqdo tababaraha Liverpool, go’aankayguna wuu cad yahay. Feyenoord iyo Liverpool ayaa hadda wada-xaajoonaya, iyaga ayaanan sugayaa waxa kasoo baxa. Anigu kalsooni buuxda ayaan qabaa, waxaanan sugayaa in ay albada kooxood heshiis gaadhaan.”
Liverpool ayaa la sheegay in ay ku qasban tahay inay bixiso £8.6 milyan oo Gini oo ay dalbanayso Feyenoord maadaama uu heshiis dheer kula jiro tababare Slot.