Manchester City ayaa u tartamaysa in sannadkii afraad oo xidhiidh ah ay ku guuleysato horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo ay saddexdii sannadood ee horena si xidhiidh ah ugu guuleysatay, waxaanay noqon doontaa kooxdii ugu horreysay ee taariikhda Ingiriiska afar jeer oo isku xigta ku guuleysata horyaalka, balse waa haddii ay awoodaan inay ku garaacaan Arsenal iyo Liverpool.
Manchester City oo tartankaas ku jirta, ayaa waxa dhinaca kale ku socoda dacwad la xidhiidha inay jabisay sharciga dhaqaalaha ee FFP, waxaana dhowaan la shaacin doonaa go’aanka laga gaadhayo.
Hortyaalka Premier League ayaa bishii February shaaciyey in ay Man City jabisay 115 jeer sharciga dhaqaalaha intii u dhaxaysay xilli-ciyaareedyadii 2009/10 illaa 2017/18.
Sidoo kale, waxa Man City lagu eedeeyey in aanay soo bandhigin oo ay qarisay macluumaadeeda xisaabta shantii sannadood ee xigay ee kasoo bilaabmaya xilli-ciyaareedkii 2018/19 illaa 2022/23.
Telefishanka Sky Sports ayaa ku warramay in Manchester City ay waajihi doonto ganaaxyo culus oo ay ka mid noqon karayaan in dhibco laga jaro, in ganaax lacageed la saaro iyo in laga qaado oo lagala noqdo horyaalladii ay ku guuleysatay muddadaas.
Daily Mail ayaa isaguna sheegay in ay suurtogal tahay in Manchester City lagala noqdo hal horyaal oo ahaa sannadkii 2014, halka UEFA ay iyaduna ka fiirsanayso inay ka qaadato go’aan la xidhiidha koobkii Champions League ee ay ku guuleysatay Manchester City.
Wargeyska Independent ayaa isaguna sheegay in ay u badan tahay in Manchester City laga xayuubiyo koobabkii ay ku guuleysatay muddadaas, xataa haddii lagu helo dembiyada loo haysto.
Taageereyaasha kubadda cagta ayaa is-weydiinaya waxa laga yeeli doono koobabka horyaalka Premier League haddii Manchester City lagu helo dembiyada loo haysto, laakiin taariikhda horyaalka kama aanay dhicin in koox laga qaaday koob lagu wareejiyo naadi kale.
Sannadkii 1990kii, ayaa kooxda Swindon Town lagu helay inay 35 jeer jabisay sharciga dhaqaalaha, isla markaana muddo afar sannadood ah ay lacago sharci-darro ah siinaysay ciyaartoydeeda, waxaana lagu xukumay in laga qaaday koobkii ay ku guuleysatay oo ahaa Championship, sidoo kalena waxa loo dhaadhiciyey heerka heerka afraad inkasta oo markii dambe heerka saddexaad laga dhigay markii ay rafcaan qaadatay, balse koobkii laga qaaday kooxna lama siinin.