FA-ga ayaa u dhaqaaqaya inay mamnuucaan ciyaaraha saaxiibtinimo ee la ciyaarayo dhamaadka xilli ciyaareedka si loo ilaaliyo badqabka ciyaartoyda.
Dhawrkii sano ee la soo dhaafay, kooxaha Premier League ayaa caadaystay in ay kulamo saaxiibtinimo ku dheelaan dalal kala duwan ka dib marka uu xilli ciyaareedka soo dhamaado si ay u helaan lacago dheeri ah.
Tottenham iyo Newcastle ayaa ah kooxihii ugu danbeeyay ee sidaas sameeya, iyagoo qaban qaabiyay kulan saaxiibtinimo oo ay ku ciyaarayaan magaalada Melbourne ee dalka Australia 22ka bisha May waa 72 saacadood ka dib marka la soo gabagabeeyo horyaalka Premier League.
Iyadoo ay sii kordhayaan walaaca laga qabo daryeelka ciyaartoyda, FA-ga ayaa hadda ka fikiraya in guud ahaan dalka Inagriiska laga mamnuuco ciyaaraha saaxiibtinimo.
Sida laga soo xigtay wargeyska The Times, waxaa la hirgelinayaa sharci cusub oo kooxaha ka joojinaya abaabulka ciyaaro saaxiibtinimo inta u dhaxeysa dhamaadka xilli ciyaareedka iyo bilowga isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee July.
Kulamada tirada badan ayaa sabab u noqday dhaawacyada soo noqnoqnaya ee ciyaarta, waana tan keeneysa in talaabo ay qaadaan FA-ga si loo ilaaliyo badqabka ciyaartoyda.
Waxaa dhawaan la kansalay kulamadii ku celiska ahaa ee koobka FA Cup taasoo loogu talogalay in lagu yareeyo kulamada tirada badan ee ay ciyaartoyda dheelayaan halkii xilli ciyaareed.