Supercomputer ayaa sameeyey saadaal cusub oo horyaalka Premier League ah oo uu ku qeexay sida uu xilli-ciyaareedku ku dhamaan doono, waxaana uu ka farxiyey taageereyaasha Arsenal oo uu u sheegay in ay soo afjarayaan 20 sannadood oo ay ka qatanaayeen horyaalka Premier League.
Gunners ayaa sii dheeraysatay hoggaanka horyaalka oo ay saddex dhibcood kaga hayso Liverpool oo caawa ciyaaraysa iyo Man City oo ay afar dhibcood ka sarraysa iyadoo City ay laba ciyaarood gacanta ku hayso, waxaana Arsenal ay meeqaamkan gaadhay markii ay 5-0 ku xasuuqeen Chelsea oo Emirates Stadium marti ugu ahayd.
Supercomputer oo beddelay qaab xisaabeedkii uu hore u adeegsan jiray, ayaa waxa uu markan isticmaalay qaaciidada khamaarka ee ‘BonusCodeBets’, waxaana soo baxday in Arsenal ay tahay kooxda ku guuleysanaysa horyaalka Premeir League.
Gunners ayaa waxa ay horyaalka ku dhamaysan doontaa 85 dhibcood, waxaanay hal dhibic ka horreyn doontaa Manchester City oo labaad ku dhamaysan doonta iyo Liverpool oo iyadana ay isku dhibco noqonayaan City laakiin farqiga goolasha lagaga horreyn doono.
Aston Villa waxa ay xaqiijisan doontaa kaalinta afraad oo ay 76 dhibcood ku heli doonto, taas oo quus ka dhigaysa Tottenham iyo Newcastle oo ka maqnaan doona tartankan, halka Manchester United ay ku dhamaysan doonto booska kaalinta toddobaad.
Chelsea oo hadda ku jirta kaalinta 11aad ee horyaalka Premier League, waxa ay ka badbaadi doontaa inay gasho booskii ay gaadhay sannadkii 1994kii oo ay kaalinta 14aad ku dhamaysteen, waxaana uu xilli-ciyaareedku dhamaan doonaa iyadoo Blues fadhida booska 11aad.
Arrintan ayaa ka dhigan, in West Ham, Fulham iyo Brighton ay ka sarrayn doonaan Chelsea.
Saddexda kooxood ee Sheffield United, Burnley iyo Luton Town ayaa u dhici doona heerka labaad, halka Sheffield United ay badbaadi doonto.
Saadaasha oo dhamaystiran: