Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa qorshaynaysa inay weerar ku qaaddo koox horyaalka Premier League ah iyagoo dagaal toos ah la geli doona Arsenal iyo Manchester City oo ay isku dayayaan inay ka hor qaadaan xiddig uu tababare Mikel Arteta ku darsaday qorshihiisa xilli-ciyaareedka dambe.
Los Blancos ayaa waxa ay doonaysaa inay iska xoojiso khadka dhexe maadaama ay sugayaan labada weeraryahan ee Kylian Mbappe oo la filayo inuu si bilaash ah ugaga soo wareego Paris Saint-Germain iyo Endrick oo bisha July soo gaadhi doona marka ay da’diisu noqoto 18 jir, kaas oo isaguna booska weerarka kala dheeli doono Mbappe, Vinicius, Rodrygo iyo Brahim.
Difaaca ayaa hore ay Real Madrid qorshaheeda ugu darsatay Alphonso Davies oo u dheela Bayern Munich oo ay ku beddelayaan Ferland Mendy, halka ay sidoo kalena xiisaynayaan Bernardo Silva oo Manchester City ah oo qandaraaskiisa lagu burburin karayo 50 milyan oo Gini.
Real Madrid ayaa waxa ay hadda qorshaheeda ku darsatay xiddiga khadka dhexe ee reer Brazil ee Bruno Guimaraes oo ay sidoo kale doonayaan Arsenal iyo Manchester City, kaas oo horena ay xiisihiisa u muujisay PSG.
Bruno Guimaraes ayaa 44 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu xilli-ciyaareedkan u dheelay Newcastle waxa uu u dhaliyey afar gool iyo siddeed uu caawiye ka noqday, waxaana qandaraaskiisa lagu burburin karayaa 100 milyan oo Gini, balse lacagtaas ayaa waxa ka go’aysa 20 milyan oo Gini haddii ay Newcastle usoo bixi weydo tartanka Champions League xilli-ciyaareedkan.
Arsenal oo si weyn u doonaysa Bruno Guimaraes ayaa ay dagaal toos ah wada-geli doonaan Real Madrid marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagu.