Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ka jawaabtay cabashada Barcelona ee kulankii El Clasico ee Axaddii ay Los Blancos ku adkaatay 3-2, taas oo ay ka dhalatay buuq ku saabsanaa gool ay Barcelona ku doodday in laga diiday.
Real Madrid oo guusha ciyaartaasi ay siisay fursad ay 11 dhibcood ugu qabato hoggaanka horyaalka iyadoo lix ciyaarood oo kali ahi hadhsan yihiin, ayaa waxa ay si cadho leh uga jawaabtay hadal kasoo yeedhay madaxweynaha Barcelona oo sheegay in ay ka fiirsanayaan in ay dalbadaan in lagu celiyo ciyaartoodii El Clasico ee Axaddii ka dhacday garoonka Santiago Bernabeu.
Muranka ayaa waxa uu ka yimid kubbad uu Lamine Yamal ku toogtay goolka oo u muuqanaysay inay xarriiqda ka gudubtay laakiin uu Andriy Lunin soo qabtay taas oo VAR iyo garsooraha dhexe ay isku raaceen in aanay gool ahayn, halka muuqaalladu ay muujinayaan in kubaddu ay dhaaftay laynka. Sababta ugu weyn ee arrintan keentay ayaa ah in Spain aan laga isticmaalin aaladda goolka sheegta ee ‘Goal Line Technology’.
Real Madrid ayaa doodda Barcelona ku tilmaantay ‘tawaawac’ maadaama ay xilli-ciyaareedkan murugo ku dhamaysanayaan oo aanay wax koob ah ku guuleysanayn, isla markaana ay raadinayaan marmarsiiyo ay ku qanciyaan taageereyaashooda.
Waxa kale oo u badheedhay Barcelona goolhayaha reer Belgium ee Thibaut Courtois oo si diblomaasiyad leh uga jawaabay arrintan, waxaana uu yidhi: “Anigu arrintan aad uguma fogaanayo, laakiin aad ayay u fuddudahay in la eego tiknoolojiyadda…”