Nottingham Forest ayaa baraha bulshada ku baahisay bayaan seddexaad ka dib guuldaradii muranka dhalisay ee ka soo gaartay Everton.
Forest ayaa bayaan ay soo dhigtay baraheeda bulshada waxay ku cambaareysay garsoorkii kulankii ay guuldarada 2-0 kala kulmeen Everton ee Axadii ka dhacday Goodison Park.
Waxay baahiyeen bayaan cusub shalay oo Isniin aheyd, iyagoo dalbaday in codkii la duubay ee u dhaxeeyay garsooraha iyo caawiyayaashiisa in la baahiyo.
Premier League ayaa u jawaabay Nottingham Forest iyagoo sheegay inay aad uga xun yihiin inay kooxda dhaawacdo sumcada garsoorayaasha.
Warbixinta Premier League ayaa lagu yiri: “Maamulka Premier League waxa uu si aad ah uga niyadjabsan yahay inuu akhriyo qoraalkii la soo dhigay barta bulshada Nottingham Forest shalay ka dib kulankii ay la ciyaareen Everton.
“Waxaan ogsoonahay in FA-ga ay xaqiijiyeen inay baarayaan hadalka ka soo yeeray kooxda. Marnaba ma ahan wax haboon in su’aal laga keeno dhexdhexaadnimada garsoorayaasha, hadalada ceynkaan oo kale ah waxay sidoo kale keeneysaa in Premier League ay iyaguna baaraan iyagoo cuskanaya sharciga horyaalka.”
Nottingham ayaa u jawaabay Premier League, iyagoo dalbaday in ururka garsoorayaasha Premier League uu noqdo mid daah furan oo la wada arkayo.
Waxay shegeen inay ogsoon yihiin in sharciga uu qabo in garsoore walba uu shaaciyo kooxda uu taageero si looga hortago inuu u janjeersado kooxdiisa.
Balse waxay ku baaqeen in sharcigaas la balaariyo iyagoo sheegay in garsoorayaasha ay sidoo kale saameyn ku yeelan karaan ciyaar iyagoo u daneynaya kooxda ay taageeraan iyo halka ay kaga jirto miiska kala sareynta.
Waxayna ku eedeyeen garsoorihii VAR ee kulankii Everton inuu u daneynayay koox uu taageero ee Luton oo xafiiltan kula jirta Nottingham Forest.
Waxay ku baaqeen in isbedel lagu sameeyay sharciyada PGMOL oo ah ururka garsoorayaasha si looga hortago inay dhacdadaan oo kale soo laabato.
Nottingham Forest ayaa sidoo kale ku hanjabtay inay maxkamad la koreyso Sky Sports iyo Gary Neville kaasoo ku tilmaamay maamulka kooxda inay yihiin gaangis maafiyo ah.