Rasmus Hojlund ayaa lagu waramayaa inuu ka tababarayaasha Manchester United uga dacwooday Bruno Fernandes xilli ay isku dhaceen Diogo Dalot.
Sida ay qortay jariirada Daily Mail, tababare Erik ten Hag iyo shaqaalihiisa ayaa wajahay xaalad qariib ah oo kooxda dhexdeeda ah.
Hojlund oo dhaliyay rigooradii guusha ee kulankii semi-finalka FA Cup ayaa cabasha ka gudbiyay Fernandes.
Waxaa la sheegay in weeraryahanka uu u tagay shaqaalaha tababarka Man United isagoo ka dacwooday Bruno Fernandes oo uu sheegay inuusan kubada u baasin.
Hojlund ayaa waxay isku dhaceen Diogo Dalot intii ay socotay kulankii Champions League ee ay Man United guuldarada 4-3 ka soo gaartay Copanhagen.
Fernandes ayaa la saftay xiddiga ay isku wadanka yihiin ee Diogo Dalot. Markii Hojlund uu cabashadiisa u gudbiyay shaqaalaha tababarka, waxaa loo sheegay inuu si toos ah u la hadlo Dalot.
Sida lagu sheegay warbixinta wargeyska Daily Mail, markii ay wada hadleen Hojlund iyo Dalot oo ay hishiiyeen ayuu kabtanka Man United isna la hishiiyay Hojlund taasoo soo celisay isku duubnidii qolka labiska.
Fernandes ayaa ka mid ah xiddigaha ugu qaab ciyaareedka fiican Manchester United xilli ciyaareedkan isagoo saftay 43 kulan tartamada oo dhan.