Xiddiga ka tirsan kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa shaaciyey in aanu ka tegi doonin kooxdiisa iyadoo tababare Carlo Ancelotti uu ku tilmaamay inuu yahay sida aabbihii oo kale oo aanu marnaba qorshihiisa ku jirin inuu ka tago Santiago Bernabeu oo uu joogo khabiirka Talyaanigu.
Real Madrid oo Axaddii guul 3-2 ah ka gaadhay Barcelona ayaa 11 dhibcood oo nadiif ah ku qabatay hoggaanka horyaalka LaLiga iyadoo lix ciyaarood oo kali ahi hadhsan yihiin, taas oo ka dhigan in Los Blancos ay gacanta ku dhigtay oo ay ku guuleysatay horyaalka xilli-ciyaareedkan.
Xiddiga reer Brazil ee Rodrigo oo al hadlay saxaafadda kaddib ciyaartii Barcelona ay ku garaaceen Santiago Bernabeu ayaa damaanad-qaaday inuu sii joogayo Real Madrid xilli-ciyaareedka soo socda, isla markaana uu rajaynayo inay sii wadan doonaan guulaha.
23 jirkan oo la hadlay warbaahinta ayaa yidhi: “Anigu waan jecelahay kooxdan, waxaanan rajaynayaa in mustaqbalka aan mar walba halkan joogi doono. Carlo Ancelotti na waa sida aabbahay oo kale.”
Rodrygo oo xilli-ciyaareedkan u dhaliyey Real Madrid 17 gool iyo siddeed kale oo uu caawiye ka noqday 45 kulan oo dhamaan tartamada ah oo uu u saftay ayaa sannadkii 2019 ay Los Blancos lacag dhan €45 milyan oo Gini kaga soo iibsatay kooxda reer Brazil ee Santos.
Korriin ciyaareed oo badan ayaa uu laacibkani samaynayey tan iyo markii uu yimid Santiago Bernabeu, waxaana si joogto ah loogu yeedhayey xulka qaranka Brazil oo uu 22 ciyaarood u saftay, halka uu raadinayo in markiisii saddexaad uu kula guuleysto horyaalka LaLiga kooxdiisa Real Madrid.
Isugeyn, Rodrygo ayaa Real Madrid u dheelay 152 ciyaarood oo uu u dhaliyey 45 gool iyo 30 kale oo uu caawiye ka noqday.
Si kastaba ha ahaatee, laacibkan ayaa la sheegayay inay suurtogal tahay inuu ka tago Real Madrid xagaaga soo socda oo la filayo in Kylian Mbappe uu yimaaddo kooxdan, balse waxa uu ku adkaysanayaa in uu sii joogayo iyadoo bishii November uu saxeexay heshiis cusub oo soconaya illaa June 2028.