Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League waxa ka hadhay min shan ciyaarood oo kaliya marka laga reebo saddexda kooxood ee Manchester City, Manchester United iyo Chelsea oo kulamadoodii toddobaadkan loo baajiyey semi-finalka FA Cup oo ay ciyaarayeen.
Arsenal ayaa dib ula wareegtay hoggaanka horyaalka Premier League markii ay Sabtidii guul 2-0 ah kasoo gaadhay Wolves, laakiin Liverpool oo waqtigu ku adkaa usbuucyadii ugu dambeeyey ayaa iyaduna 3-1 kaga soo takhalustay kooxda reer London ee Fulham, isla markaana farqiga dhibcaha kala simantay Arsenal.
Manchester City ayaa usbuucan ciyaarteedii la baajiyey oo kaalinta saddexaad u dhacday, balse usbuucan ayaa dhamaadkiisa ay mar kale ciyaari doonaan saddexdan kooxood oo ay imtixaanno kale oo adag mari doonaan.
Arsenal oo hoggaanka haysa ayay imtixaannada ugu adag sugayaan, waxaanay habeen dambe martigelin doontaa Chelsea oo ay isku magaalo yihiin oo rikoodhka ay ka haystaan uu liito, waxaana ugu xigi doonta Tottenham oo Axadda soo socota ay u tegi doonaan ka hor inta aanay ku nefisin West Ham.
Gunners ayaa markaas kaddib isku diyaarin doonta Manchester United oo ah ciyaarta saddexaad ee kusoo waajahan ee horyaalka Premier League iyagoo waliba ku booqan doona garoonka Old Trafford, waxayna xilli-ciyaareedka kusoo xidhan doonaan Everton.
Liveprool ayaa iyaduna waxa ay Arbacada booqan doontaa garoonka Goodison Park ee kooxda ay cadaawaddu ka dhaxayso ee Everton oo ay isku magaalo yihiin, kaddibna waxa ugu xigi doona safar ay Sabtida ugu tegi doonaan West Ham United oo ka dhisan magaalada London, ka hor inta aanay garoonka Anfield kusoo dhoweynin Tottenham Hotspur oo ahaa kooxaha dhibaatada ugu badan ay Reds kala kulmi jirtay xilli-ciyaareedyadii ugu dambeeyey.
Labada ciyaarood ee ugu dambeeya ayay Liverpool waajihi doontaa Aston Villa oo ay u tegi doonaan iyo Wolves oo kusoo booqan doonta Anfield.
Manchester City oo kulamadeeda u hadhsan ay lix yihiin marka loogu daro ciyaartii ka baaqatay, ayaa waxa ay Khamiista la ciyaari doontaa Brighton oo dhaarsan oo ay ku booqan doonaan Amex Stadium, kaddibna Axadda ayaa iyagoon nasanin ay waajihi doontaan Nottingham Forest oo ay iyagana marti u noqon doonaan.
Wolves iyo Fulham ayaa ugu sii xigi doona Manchester City oo markaas kaddib maraysa imtixaankeeda ugu adag kulamada u hadhay oo ah Tottenham oo ay marti ugu noqon doonaan magaalada London halka West Ham ay kusoo xidhan doonaan horyaalka Premier League iyagoo ku martigelin doona Etihad Stadium.
Halkan kaga bogo kulamada u hadhsan Arsenal, Liverpool iyo Man City, kana bixi saadaal natiijooyinka ay ku dhamaan doonaan ciyaarahaasi:
Arsenal
Chelsea (Minan) – April 23
Tottenham Hotspur (Marti) – April 28
Bournemouth (Minan) – May 4
Manchester United (Marti) – May 11
Everton (Minan) – May 19
Liverpool
Everton (Marti) – April 24
West Ham (Marti) – April 27
Tottenham Hotspur (Minan) – May 4
Aston Villa (Marti) – May 11
Wolves (Minan) – May 19
Man City
Brighton (Marti) – April 25
Nottingham Forest (Marti) – April 28
Wolves (Minan) – May 4
Fulham (Marti) – May 11
Tottenham Hotspur (Marti) – May 14
West Ham (Minan) – May 19