Xavi Hernández ayaa ka hadlay guuldaradii ka soo gaartay Real Madrid kulankii El Clasico ee ka dhacay Santiago Bernabeu xalay iyadoo Los Blancos ay ku badisay 3-2.
Tababaraha Barcelona ayaa garwaaqsaday in horyaalka uu ka baxay gacantooda, wuxuuna guuldarada ku eedeeyay go’aanada garsooraha iyo teknooliyad la’aanta horyaalka.
“Aad ayaan u niyadjabsanahay. Haddii aan dooneyno in aan noqono horyaalka ugu fiican dunida… qof walba ayaa arkay in kubada ay gashay shabaqa. Wax walba inaga ayay nagu dhaceen laga soo bilaabo kulankii Getafe ee bilowga xilli ciyaareedka.
“Maanta wixii dhacay waa waxyaabo soo uruuray oo doqonimo ah. Waan ku faanayaa kooxdeyda. Waxaan aaminsanahay inaan aheyn kooxda fiican. Ciyaarta ayaan koontaroolnay, fursado badana waan abuurnay.
“Sababta dhibcaha aan dhuminay waa wax ka baxsan koontaroolkeena, waana wax ceeb ah. Waxaan u qalanay inaan badino.
“Dareenkeyga waa cadaalad darro meeshii ugu sareysay. Been uma sheego karo cida, ugu yaraan taageerayaasheena. Sida iska cad qof walba ayaa aaminsan sidaan.”
Xavi ayaa sidoo kale ka hadlay in horyaalka LaLiga uusan isticmaalin teknooloojiyada xariiqda goosha ee ay isticmaalaan horyaalada waa weyn iyo Champions League.
“Haddii aan dooneyno inaan noqono horyaalka ugu fiican dunida, waa qasab inaan isticmaalo teknooloojiyad.”