Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa caddaalad-darrooyin ay ka dhaceen maanta, waxaana afka furatay koox tirsanaysa in si weyn looga eexday oo lagu riday go’aamo gacanta u gelin lahaa libin ka caawin lahayd inay ku negaadaan horyaalka Premier League.
Kooxda Premier League ee Nottingham Forest ayaa shaacisay in lagu sameeyey cadaalad-darro weyn kulankii Everton ee galabta ee ay soo gaadhay guul-darrada 2-0 ah.
War-saxaafadeed ay soo saartay Everton ayay ku sheegtay, in go’aamo ‘aad u liitay’ uu qaatay garsoorihii VAR ee Stuart Attwell oo ay xuseen in uu ka diiday illaa saddex rikoodhe oo caddaan ahaa, waxaase war-saxaafadeedkan dhaliillay Jamie Carragher oo sheegay in kooxdan iyo taageereyaasha ay ka muuqato xirfad la’aan.
Nottingham Forest oo kaalinta 17aad uga dhacday miiska kala-sarraynta isla markaana dhibic kaliya ka sarraysa Luton Town oo khadka cas fadhiya, ayaa ka filaysa horyaalka Premier League in uu go’aamo ka qaato garsooraha oo ay xusheen in uu ka eexday.