Theo Walcott ayaa sameeyay saadaalin weyn oo ku saabsan kooxdiisa hore ka dib markii ay wadada guusha ku soo laabteen xalay Oo Sabti aheyd.
Gunners ayaa hogaanka Premier League la wareegtay ka dib markii ay ka badiyeen Wolves iyagoo uga mahadcelinaya goolal ay kala dhaliyeen Leandro Trossard iyo Martin Odegaard.
Kooxda Mikel Arteta waxay haatan labo dhibcood ka sareeyaan Manchester City kuwaasoo uu kulan u harsan yahay madaama ay shalay FA Cup ciyaarayeen.
Theo Walcott ayaana rajo weyn ka qaba in Arsenal ay koobka horyaalka ku garaaci doonto labada kooxood ee la tartamaya ee Manchester City iyo Liverpool.
Wuxuu sharaxay in kulamada u haray Man City iyo Liverpool inay ka adag yihiin shanta kulan ee u hartay Arsenal.
“Haa, waan aaminsanahay” ayuu ku jawaabay Walcott markii la weydiiyay haddii Arsenal ay ku guuleysan doonto horyaalka haddii ay badiyaan shanta kulan ee u hartay.
‘Waa kulamadaan kuwa kala duwanaanshaha keenaya. Ciyaartoydaan waxay doonayaan inay abuuraan taariikh iyo inay bedelaan wadadii ay kooxda ku taagneyd.
“Man City waxay wajahayaan kooxaha sida Brighton iyo Tottenham oo wax ka dhihi doona tartanka horyaalka. Liverpool iyadana waxay marti u noqon doontaa Fulham iyo Everton. Waa kulamo adadag. Laakiin Arsenal waxaan ka filanayaa inay dhibcaha ugu badan ka helaan kulamada u haray.”