Real Madrid iyo Barcelona ayaa kulmaya maroodii 257aad ee ay tartan caadi ah iskaga hor imanayaan, waxaana Axadda 21ka March ay isku ballansadeen garoonka Real Madrid ee Santiago Bernabeu, iyadoo ciyaartooyo muhiim ah ay ka maqan yihiin labada kooxood.
Carlo Ancelotti ayaa haddii ay kooxdiisu guuleysato ciyaartan, waxa ay tallaabooyin u jirsan doontaa horyaalka LaLiga oo ay hadda siddeed dhibcood hoggaankiisa ku hayaan waxaanay tegi doonaan 11 dhibcood iyadoo lix ciyaarood ka hadhsan yihiin dhamaadka xilli-ciyaareedka.
Barcelona ayaa dhinaceeda wax walba u samayn doonta sidii ay u joojin lahayd Real Madrid ee ay waliba usoo yarayn lahayd farqiga dhibcaha, waxaanay ogsoon yihiin in haddii ay badiyaan kaliya laga horreyn doono shan dhibcood iyadoo 18 dhibcood ay ka hadhsan yihiin dhamaadka xilli-ciyaareedka.
Labada kooxood ayaa ciyaartan imanaya dareenno kala duwan, sababtoo ah Real Madrid way faraxsan tahay maadaama ay Arbacadii kasoo adkaadeen Manchester City oo ay rikoodheyaal ugu soo gudbeen wareegga semi-finalka Champions League, halka Barcelona ay ka hadhay tartanka oo ay PSG ku karbaashtay 4-1 lugta labaad.