Tababarihii hore ee Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa qarka u saaran in loo magacaabo tababaraha cusub ee Manchester United ee beddelaya Erik ten Hag. Zidane oo ay sidoo kale doonaysay Bayern Munich ayaa doortay inuu tago Manchester United. (L’Equipe)
Bayern Munich wax xidhiidh ah lama aanay samaynin Zidane si uu ugu beddelo Thomas Tuchel oo ka tegaya xagaaga, laakiin waxa ay haystaan dookhyo kale oo ay kala dooranayaan sida Ralf Rangnick oo ah tababaraha xulka Austria iyo Roberto De Zerbi oo ah tababaraha Brighton. (Sky Sports Germany)
Khadka dhexe ee kooxda Newcastle iyo xulka Brazil ee Bruno Guimaraes oo 26 jir ah, ayaa tilmaamay in uu xilli-ciyaareedka dambe kusii negaanayo kooxdiisa, inkasta oo 100 milyan oo Gini lagu burburin karayo qandaraaskiisa. (Telegraph)
Difaaca reer Netherlands ee Ian Maatsen oo 22 jir ah, ayaa u sheegay Chelsea in uu doonayo inuu si rasmi ah uga tago kooxdaas oo uu usii cuyaaro Borussia Dortmund oo uu hadda amaah ku joogo. (Sky Sports Germany)
Manchester United waxa ay tartan kala kulmaysaa Atletico Madrid oo ku haysata saxeexa difaaca Nice iyo xulka France ee Jean-Clair Todibo oo 24 jir ah. (Mirror)
Bayern Munich waxa ay qorshaynaysaa in ay Barcelona ka xoogto kubbad-sameeyaha reer Netherlands ee Frenkie de Jong oo la sheegay in lagu heli karayo inta u dhaxaysa 60 milyan oo Euro illaa 70 milyan oo Euro. (Relevo)
Real Madrid waxa ay sugi doontaa difaaca reer Canada ee Alphonso Davies illaa sannadka 2025, markaas oo uu 23 jirkani si xor ah uga tegi doono Bayern Munich. (Sport)
Difaaca Real Madrid ee Nacho Fernandez oo 34 jir ah ayaa u sheegay kooxdiisa in uu qorshihiisu yahay in uu iskaga tago Santiago Bernabeu dhamaadka xilli-ciyaareedkan. (Marca)
Inter Milan ayaa ah kooxda ugu cadcad ee illaa hadda la ogyahay inay xiisaynayso Nacho, waxaanay sidoo kale saxeexiisa isku dayeen xagaagii hore. (Football Italia)
Manchester United waxa ay go’aansatay in ay toddobaadyo kaddib iska fasaxdo Sofyan Amrabat oo ay amaah kaga soo qaateen Fiorentina, kaas oo heshiiskiisu uu dhigayay in Red Devils ay si rasmi ah ula saxeexan karaan. (MEN)