Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa isbeddel weyn ku sameeyey tartanka FA Cup oo xilli-ciyaareedkan maraya wareegga semi-finalka oo ay Sabtida garoonka Wembley ku ballansan yihiin Chelsea iyo Manchester City, halka Manchester United ay la dheeli doonto Coventry City maalinta Axadda.
Waxa jiri doona isbeddello dhawr ah oo tartanka FA Cup lagu arki doono xilli-ciyaareedka dambe, kuwaas oo shaqayn doona ugu yaraan muddo lix sannadood ah.
Xidhiidhka FA ayaa waxa uu go’aamiyey in meesha laga saaro oo aan la dheelin kulada ku-celiska ah laga bilaabo xilli-ciyaareedka soo socda, taas oo ka dhigan in ciyaar walba ay noqon doonto hal is-arag iyo hal garoon oo ciyaarta lagu go’aaminayo.
Xilli-ciyaareedkii 2018/19 ayaa waxa uu FA-gu meesha ka saaray ciyaarihii labada lugood ahaa ee wareegga shanaada ee FA Cup oo uu hal kulan kusoo koobay, laakiin sannad kaddib ayaa waxa uu haddana xidhiidhku go’aamiyey in kulamada wareegga shanaad la ciyaaro usbuuc-dhamaadka (Salaasada illaa Khamiista).
Isbeddelka cusub ee uu ansixiyey xidhiidhka kubadda cagta ayaa waxa uu kulamada wareegga shanaad dib ugu soo celinayaa bilowga usbuuca oo noqonaya maalmaha Sabtida iyo Axadda, mana jiri doonaan kulamo ku-celis ah laga soo bilaabo wareegga koowaad illaa dhamaadka.
Arrintan ayaa waxa ay saamayn doontaa horyaalka Premier League oo wareegyada afraad iyo shanaad ee FA Cup ay ku qasbi doonaan in la fasaxo horyaalka, maadaama iyadoo hore usbuuc-dhamaadka loo ciyaari jiray hadda laga dhigayo usbuuca bilowgiisa.