Pep Guardiola ayaa shaaciyay in Erling Haaland, Kevin de Bruyne iyo Manuel Akanji inay dhamaantood dalbadeen in la bedelo ka hor inta aysan Manchester City rigoore la gaarin Real Madrid.
Antonio Rudiger ayaa dhaliyay rigooradii guusha iyadoo kooxda reer Spain ay u soo baxday semi-finalka Champions League.
Haaland ayaa la bixiyay bilowgii waqtiga dheeriga ahaa ka dib qaab ciyaareed liita uu soo bandhigay, halka De Bruyne lagu bedelay Mateo Kovacic daqiiqadii 112aad inkastoo uu dhaliyay goolka kaliya ee City ee ciyaarta.
Guardiola oo la hadlayay warbaahinta ciyaarta ka dib ayaa sharaxay in labada ciyaaryahan iyo sidoo kale Akanji inay dalbadeen in la bedelo daal dartiis.
“Manu, Erling iyo Kevin waxay i weydiisteen inaan bedelo” ayuu yiri tababaraha City oo ka murugeysnaa guuldaradii koxdiisa ka soo gaartay Real Madrid.
Wuxuu hadalkiisa raaciyay: “Waa ay awoodi waayeen inay ciyaarta sii wataan.”
Guardiola ayaa sidoo kale ka hadlay Bernando Silva oo qasaariyay mid ka mid ah rigoorooyinkii Man City islamarkaana rigooradiisa lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwii ugu xumaa.
“Silva wuxuu ii sheegay inuu rabay inuu rigoore tuuro, waana ciyaaryahan lagu tashan karo, laakiin alla muxuu ciyaar fiican dheelay.”