Weeraryahankii hore ee Leeds United ee Jean-Kevin Augustin ayaa noqday ciyaartoyga ugu qaalisan taariikhda kubadda cagta marka laga eego tirada kulamada uu saftay iyo lacagta uu kharash gareeyey.
Leeds United ayaa xaqiijisay inay rafcaan ka qaadanayso lacag dhan £24.5 milyan oo Gini oo magdhow ah oo lagu xukumay in ay siiso Jean-Kevin Augustin, kaas oo saddex ciyaarood oo kaliya u saftay naadigaas.
Laacibkan reer France ayaa Leeds United waxa ilbidhiqsi kasta oo uu u dheelay uu ka qaatay £13,715 Gini, waxaanay taasi ka dhigtay ciyaartoyga ugu qaalisan.
Amaah ayuu kaga soo biiray kooxda reer Germany ee RB Leipzig bishii January 2020, markaas oo ay Leeds United ka ciyaaraysay heerka labaad, iyadoo haysatay dookh ah in ay £17.7 milyan oo Gini ku iibsan karto, waxaanay go’aansatay in aanay la saxeexanin maadaama uu kaliya 48 daqiiqadood u saftay.
RB Leipzig ayaa ku doodday in Leeds United ay waajib ku ahayd inay si rasmi ah ula wareegto Augustin isla markaana aanu qodobkaasi ahayn dookh mar haddii ay kooxdaasi usoo dallacdo horyaalka Premier League, isla markaana qodobkaasi dhaqan-galay.
Leeds United ayaa isku qancisay in aanu qodobkaasi waajib ku ahayn maadaama ciyaarta ay ugu soo gudbeen heerka koowaad la ciyaaray July 17 oo dib loogu dhigay xanuunkii Covid-19, isla markaana uu laacibkani dib ugu noqonayay kooxdiisa RB Leipzig 30kii June, taas oo ay RB Leipzi kasoo horjeedsatay.
FIFA ayaa ay RB Leipzig cabasho rasmi ah u gudbisay, waxaana maxkamadda FIFA ay xukuntay in Leeds lagu leeyahay lacagta iibka ee laacibkaas oo ay waajib ku ahayd inay si buuxda ula wareegto ciyaartoygan xagaagii 2020, waxaana lagu amray Leeds inay £18.5 milyan oo Gini u shubto Leipzig sannadkii 2022.
Leeds ayaa ku doodday in lagu qaldamay oo ay FIFA xukun qalad ah soo saartay, balse guddida khilaafaadka ee FIFA ayaa mar kale toddobaadkan soo saaray go’aan kale oo ah in Leeds ay qasab ku tahay inay bixiso magdhow gaadhaya £24.5 milyan oo Gini maadaama ay jabisay heshiiskii RB Leipzig, sidoo kalena ciyaartoy ay heshiis kula jirtay ay ku amartay inuu dib u laabto, waxaana lacagtan magdhowga ah ay iskugu jiraysaa qayb la siinayo RB Leipzig iyo in uu qaadan doono Augustin.
Sababta ka dhigaysa Augustin ciyaartoyga ugu qaalisan, waa kharashka uu geliyey kooxda Leeds United ilbidhiqsi kasta oo uu u ciyaaray, iyadoo £13,715 Gini uu ilbidhiqsi kasta oo uu u saftay uu u kharash-gareeyey.