Manchester City ayaa hogaamineysa tartanka loogu jiro saxiixa 21-jirka Bayern Munich ee Jarmalka Jamal Musiala – laakiin Liverpool, Barcelona iyo Paris St-Germain ayaa dhamaantood xiiseynaya. (Independent)
Brentford ayaa rajaynaysa in weeraryahanka England Ivan Toney uu ka tago kooxda xagaaga, laakiin Brentford ayaa dalban doonta 50 milyan ginni, iyadoo Manchester United ay ka mid tahay kooxo badan oo Premier League ah oo isha ku haya 28 jirkaan. (HITC)
Sir Jim Ratcliffe ayaa wadahadalo fool ka fool ah la yeeshay maamulaha kooxda Newcastle United Amanda Staveley isagoo isku dayaya inuu heshiis la gaaro si uu u la warego agaasimaha ciyaaraha Dan Ashworth (Times)
Qaab ciyaareedkii fiicnaa ee dhawaanahan uu soo bandhigay weeraryahanka Arsenal Kai Havertz, oo 24 jir ah, ayaa ka dhigay Gunners inay dib uga fikiraan qorshahooda suuqa kala iibsiga xagaaga, iyadoo u dhaqaaqista Ivan Toney ay haatan u badan tahay inaysan dhici doonin. (Mirror)
Laacibka reer France ee Raphael Varane, oo 30 jir ah, ayaan qandaraas cusub ka heli doonin Manchester United, waxaana la filayaa inuu ka tago kooxda marka uu qandaraaskiisu dhaco bisha June. (Daily Mail)
20-jirka khadka dhexe uga ciyaara Arsenal ee Charlie Patino ayaa qarka u saaran inuu u wareego xagaaga meel ka baxsan England. (Evening Standard)
Liverpool ayaa heshiis mabda’a ah la gaartay tababaraha kooxda Sporting Lisbon ee Ruben Amorim. (Insider Football)
Tababaraha Tottenham Ange Postecoglou ayaa mudnaanta suuqa kala iibsiga ka dhigtay daafac dhexe, xiddiga Bayer Leverkusen iyo xulka Ecuador Piero Hincapie, oo 22 jir ah, ayaa ku jira liiskiisa. (Bild)
Spurs ayaa sidoo kale xiiseyneysa saxiixa weeraryahanka Algeria ee Union Saint-Gilloise Mohamed Amoura xagaagan laakiin waxa ay tartan kala kulmayaan West Ham iyo Wolves oo doonaya 23 jirkaan. (GiveMeSport)
Chelsea ayaa laga yaabaa inay iska iibiso 11 ciyaaryahan xagaagan iyagoo isku dayaya inay soo yareeyaan tirada ciyaartoyda kooxda koowaad, xiddigaha la iibinayo waxaa ka mid ah 24 jirka khadka dhexe Conor Gallagher. (The Sun)
Barcelona ayaa isku diyaarinaysa in ay u soo bandhigto 21 jirka khadka dhexe ee reer Spain ee Pedri qandaraas cusub kaas oo diiday xiisaha kooxda Paris St-Germain. (Fabrizio Romano)
Weeraryahanka Sporting Lisbon iyo Sweden Viktor Gyokeres ayaa bartilmaameedka ugu sarreeya u ah Arsenal laakiin 25 jirkaan ayaa qandaraaskiisa waxaa lagu burburin karaa 100m-euro (£ 85.4m). (Football Transfers)
Manchester United iyo Newcastle ayaa lagu soo waramayaa inay “wadahadallo la bilaabeen” ciyaaryahanka khadka dhexe ee Juventus iyo France Adrien Rabiot, oo 29 jir ah, kaasoo beeca xorta ah lagu heli karo xagaagan. (Calciomercato)