Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa qaatay go’aamo adag kaddib ciyaartii Manchester City ay la galeen barbarraha 3-3 ee lugta hore ee wareegga siddeedda Champions League.
Real Madrid ayaa gool degdeg ahaa lagaga naxsaday daqiiqaddii labaad, iyadoo kubbad laad xor ah oo uu meel fog ka toogtay Bernardo Silva uu shabaqa u weydaariyey goolhaye Andriy Lunin oo aan filaynin in kubbad noocaas ah lagu soo toogan doono.
Los Blancos ayaa waxa ay Arbacada safar ugu tegi doontaa Manchester City iyadoo labada kooxood ku kala bixi doonaan garoonka Etihad Stadium, waxaana uu Carlo Ancelotti kasii shaqaynayaa ciyaartaas iyo sidii uu naadigiisa ugu diyaarin lahaa.
Sida ay warbaahinta waddanka Spain sheegayso, Carlo Ancelotti ayaa waxa uu go’aansaday in uu nasiyo ciyaartoydiisa muhiimka ah kulanka Real Mallorca ee horyaalka LaLiga ee Sabtida, kaas oo sidoo kale ay u baahan yihiin inay guuleystaan si aanay wax fursad ah oo ay ugu soo dhowaato u siinin Barcelona oo siddeed dhibcood ka dambaysa.
Wargeyska Mundo Deportivo ayaa qoray, in tababare Carlo Ancelotti uu nasin doono ciyaartoydiisa qaarkood, isaga oo dhinaca kalena taxadar ka samayn doona Real Mallorca, waxaana uu fadhiisin doonaa labada difaac ee dhinacyada ee Dani Carvajal iyo Ferland Mendy oo ay beddeli doonaan Lucas Vazquez iyo Fran Garcia.
Waxa kale oo kusoo bilaaban doona Aurelien Tchouameni oo isagu ganaax kaga maqnaan doona ciyaarta lugta labaad ee Manchester City, waxaana difaaca dhexe lagu mataanayn doonaa Nacho ama Eder Militao oo kasoo laabtay dhaawac soo gaadhay ciyaartii lagu furay horyaalka LaLiga ee xilli-ciyaareedkan.
Carlo Ancelotti ayaa waxa uu sidoo kale fursaddooda siin doonaa Arda Guler, Joselu iyo Brahim Diaz oo ay suurtogal tahay inay afka hore ee weerarka kusoo wada bilowdaan.