Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayay isku dheggan yihiin saddexda kooxood ee Arsenal iyo Liveprool oo haysta min 71 dhibcood iyo Manchester City oo 70 dhibcood leh, iyadoo dhamaadka xilli-ciyaareedkana ay toddoba kulan oo kali ahi ka hadhsan yihiin.
Noel Gallagher oo ka hadlay kulamada ka hadhay Premier League ayaa ka badheedhay saadaal aanay dadka badankiisu ku raacsanayn oo uu hal koox kaga saaray tartanka, taas oo uu u sheegay in kaliya ay daal korodhsanayso.
Manchester City ayaa saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey ku guuleysatay horyaalka Premier League, iyadoo xilli-ciyaareedkii hore dib usoo celisay xasuustii Manchester United iyo rikoodhkii saddexda koob ee sannadkii 1999kii oo ay ku wada guuleysatay Champions League, Premier League iyo FA Cup, taas oo uu Pep Guardiola isaguna rikoodhkaas u calaamadiyey kooxdiisa.
Haddii Manchester City ay ku guuleysato xilli-ciyaareedkan, waxay noqon doontaa kooxdii ugu horreysay ee afar sannadood oo isku xiga ku guuleysata horyaalka Premier League, laakiin waxa taas u diiday Noel Gallagher oo xusay in aanay sannadkan qaadi doonin Man City.
Noel Gallagher oo lagu yaqaano in uu taageere weyn u yahay Manchester City oo la weydiiyey haddii ay Man City mar kale ku wada guuleysan doonto saddexdii koob ee ay xilli-ciyaareedkii hore qaadday ayaa ku jawaabay: “Maya, maya, maya, waxa aanu bixinay fursado badan oo goolal la nagaga dhaliyo.
“Waxa aan arkayaa Arsenal, waxaana laga dhaliyaa goolal dhif ah oo waliba koorneyaal ah, iska dhaaf inay dhibco lumiyaane. Haddii aad naftaada eegto, difaaca ayaa caadiyan ku guuleysta horyaalka, wax fursado ahna ma bixiyaan.
“Markaa waxay ila tahay in City soo gaadhi doonto Arsenal dhibco ahaan laakiin waxa ay nagaga sarraynd oonaan oo ay ku qaadi doonaan farqiga goolasha.”
Mar la weydiiyey awoodda Liverpool ayaa waxa uu Noel Gallagher ku jawaabay: “Liverpool xisaabta kama saari kartid, waxaana Axaddii axsaan noo samaysay Man United oo laba dhibcood ka lumisay, markaa way haystaan fursad oo way tartamayaan, laakiin marnaba Man City haka sugin inay saddexda koob ku wada guuleysato.”