Caawiyihii hore ee tababarka Atletico Madrid German Burgos ayay qasab ku noqotay inuu raaligelin bixiyo isagoo fadhiya istuudiyaha TV-ga Isbaanishka ee Movistar Plus ka dib markii uu yiri hadal cunsurinimo ah oo ku saabsan xiddiga Barcelona Lamine Yamal taasoo keentay in ciyaartoyda Barcelona iyo PSG ay diidaan inay wareysiyo siiyaan Movistar Plues.
Goolhayihii hore ee Atletico ayaa ahaa khabiirka Movistar Plus u falanqeynayay ciyaarta, wuxuuna ka hadlayay xiddiga Barcelona Lamine Yamal ciyaarta ka hor isagoo kubad mooleynayay.
Wuxuu yiri: “Haddii uu noqon waayo xiddig weyn, waxa uu ku danbeyn doonaa jidadka taraafikada.” Hadalkaan ayaa waxa uu tixraac u yahay in dadka kubadaha mooleeya ay ku tuugsadaan taraafikada jidadka.
Hadalkiisa ayaa keenay cambaareyn weyn uu kala kulmay taageerayaasha kubada cagta oo ku tilmaamay hadalka Burgos inuu yahay cunsurinimo madaama wiilka yar Lamine Yamal uu yahay xiddig madow.
Ciyaartoyda Barcelona iyo PSG ayaa ku hishiiyay inaysan wax wareysiyo ah siinin TV-ga iska leh xuquuqda baahinta Champions League ee Spain Movistar Plus ilaa iyo ay raaligelin rasmi ah bixiyaan.
Burgos ayaa ciyaarta ka dib ka yiri istuudiyaha: “Waxay aheyd hadal aan ugala jeedin inaan cidna ku dhaawaco. Haddii ay jirto cid ka carootay raaligelin ayaan ka bixinayaa.”
Daadihiyaha barnaamijka Champions League ee TV-ga Ricardo Sierra ayaa sidoo kale ka hadlay dhacdadaan isagoo yiri: “Waan ogahay in daawadayaasheena ay inaga sugayeen inaan wareysi ka qaadno ciyaartoyda Barca.
“Laakiin PSG iyo Barca waxay nagu wargeliyeen inaysan wax wareysiyo ah na siin doonin sababtoo ah waxay si aad ah uga careysnaayeen hadal ka soo baxay istuudiyaheena.”
Ciyaartoyda Barca iyo PSG ayaa wareysiyo siiyay TV-yadii kale ee lahaa xuquuqda baahinta ciyaarta marka laga reebo Movistar Plus.
Barcelona ayaa 3-2 kaga badisay PSG oo marti loogu ahaa garoonka Parc des Princess iyadoo kulanka lugta labaad uu dhici doono todobaadka soo socda.